WAJAALE NEWS

Hoobiyeyaal Lagu Garaacay Xaafado U Dhow Villa Somalia Iyo Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Ee Ay Sobobeen.

Muqdisho(W,N)-Tiro hoobiyeyaal ah oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa ay goor dhowayd kusoo dhaceen xaafado ka tirsan degmooyinka Boondheere iyo Warta Nabada ee Gobolka Banaadir.

Illaa afar Hoobiye ayaa lagu warramayaa in lagu duqeeyey gudaha degmooyinka Warta Nabadda iyo Boondheere, waxaana ay ku kala dhaceen suuqii hore Warta Nabadda, Safaaradii hore ee Jarmalka, Xarunta Jodka Jilacow, Wasaaradii hore ee Caafimaadka iyo guryo kale oo dad rayid ah ay degan yihiin.

Gudaha Warta Nabadaa waxaa la xaqiijiyey geerida laba qof, halka dhaawacana uu intaasi ka badan yahay. Sidoo kale Hoobiyaasha ku dhacay Degmada Boondheere ayaa sababay khasaare, balse weli lama hayo tiro rasmi ah.

Sida ay dadka deegaanka xaqiijiyeen mid kamid ah hobiyeyaasha ayaa ku dhacay Kaam ay daganaayeen dad barakacayaal ah, waxaana la xaqiijiyey inuu geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Xaafadaha hoobiyeyaasha lagu garacay ayaa aad ugu dhow madaxtooyada Villa Somalia, mana jirto illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan loo adeegsaday madaafiicda.

Exit mobile version