WAJAALE NEWS

DAAWO;-Sabaax Cabdi Ibraahim Oo Maanta Dib Uheshay Xoriyadeedii Iyo Haweenk Dareen Celiyay Siidaynteeda.

HARGAYSA(W,N)-Xukuumada Somaliland ayaa maanta xabsiga Dhexe ee magaalada hargaysa kasii daysay Sabaax Cabdi Ibraahim oo ahayd xaaska Siyaasi Ismaaciil Hure Buubaa oo maalmo Ku xidhay saldhiga dhexe.

Qaarkamid ah haweenka beelaha Garxajis ee hore uga hadlay xadhiga Sabaax cabdi Ibraahim oo manta dib uheshay Xoriyadeedii ayaa dareen celiyay soo daynteedo kuwaasi oo madaxwaynaha Somaliland uga mahad celiyay in uu aqbalay Codsi xadhiga sabaax oo ay warbaahinta Umariyeen.

Sidoo kale haweenkan ayaa shacabka Somaliland iyo cidkasta oo ka qayb qaadatay siidaynta sabaax cabdi ibraahim uga mahadceliyay.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

 

Exit mobile version