WAJAALE NEWS

Ciidamada Booliska Jsl Oo Xabsiga U taxaabay Cabdiraxmaan Yuusuf Cali, Oo U Sharaxan Golaha Deegaanka Hargeysa, Kana Sharaxan Xisbiga UCID.

HARGAYSA(W,N)-Ciidanka booliska Somaliland ayaa caawa xabsiga utaxaabay musharax cabdiraxmaan Yuusuf cali oo kamid ah musharixiinta Xisbiga Ucid uga sharaxan golaha deegaanka caasimada Hargaysa.

Xadhiga Musharaxan katirsan xisbiga   ayaa ku soo beegmaysa xili ay maanta war qoraal ah oo Ciidamada Booliska Booliska soo saareen oo ay ku sheegeen in ay ku dabo jiraan Musharaxiin u sharaxan Doorashooyinka oo ay qaarkood sheegeen magacyadooda

Sidoo kale xadhiga ay caawa xukuumadu kula kacday musharaxan ka sharaxan golaha deegaanka ee degmada hargaysa ayaa xadhigiisu ka hor imanayaa qoraal ay dhawaan komishanka doorashooyinka kazoo saareen xadhiga musharixiinta oo ay laamaha amaanka ku wargalinyeen in aan la xidhi Karin oo ay xasaanad leeyihiin musharixiinta kusoo baxay liiska ay komishanku shaaciyeen

Dhanka kale  xadhiga musharaxan cabdiraxmaan yuusuf cali ayaa noqonaya musharixii 6lixaad ee xukuumadu xabsiga utaxaabto iyagoo laba musharax oo xisbiga ucid ka tirsan ku kala xidhan yihiin saldhiga dhexe ee magaalada hargaysa iyo xarunta danbi baadhista halka musharixiintii hore ee xisbiga ucid ay xukuumadu ku qasab tahay in ka tanaasulaan hankoodii musharaxnimo

Maanta ayay ahayd markii masuuliyiinta xisbiga ucid uga wakiilka ah la shaqaynta komishanka ay xadhiga musharxiinta xisbigooda ay si kulul uga hadleen iyagoo sheegan in xisbiga kulmiye weerar qaawan ku hayo musharixinta xisbiga ucid ka sharaxan.

Talaabada ay ciidamada boolisku caawa ku xidheen musharaxan ayaa noqonaysa mid kale oo caqabad ku noqonaysa hanaanka iyo habsami usocodka doorashooyinka Somaliland .

Exit mobile version