WAJAALE NEWS

Wasiir faratoon Oo Si Rasmi ah Iskaga Casilay Xilkii Wasiirka Arimaha Dibada Jsl.

HARGAYSA(W,N)-Wasiirkii Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, ayaa maanta si rasmiya isaga casilay jagadaasi.

Faratoon, ayaa warqaddiisa iscasilaada u gudbiyay madaxweyne Biixi, oo isaguna ka aqbalay sida ay ii sheegeen illo-xogogaal ah.

Wasiir Faratoon, oo u sharraxan golaha Wakiillada Somaliland ayaa la filayaa in maalinta berri ah uu tago xarunta Kulmiye si uu u diiwaan geliyo Musharraxnimadiisa.

Waa mas’uulkii labaad ee maanta iska casila xukuumadda Biixi, si ay isugu sharraxaan Wakiillada.

Exit mobile version