WAJAALE NEWS

Dawlada Itoobiya Oo Soo Bandhigtay Nashqada Waddo Tareen Isku Xidhaysa Somaliland Iyo Itoobiya Oo La Hirgalinayo.

ADIS ABABA(W.N)-Dawlada itoobiya ayaa markii uhoraysa soo bandhigtay qorshaha wado tareen oo isku xidhay Somaliland iyo itoobiya taasi oo lagaga dooday shir ka dhacay magaalada adis ababa ee caasimada itoobiya Waxaana muhiimada wadadan tareen ee Cayshaca to berbera muhiimadeeda faah faahin ka bixiyay Maamulaha Maalgelinta Waddooyinka Itoobiya, Dr Firehiwot waxa isagu  sharraxay Mashruuca waddada tareenka ee Aysha (Itoobiya) iyo Berbera ( Somaliland).

Mashruucan oo lagu dhisayo waddo tareen oo dhererkeedu yahay 310KM oo ka soo baydha khadka tareenka ee isku xidha Addis-ababa iyo Djbibouti waxa uu isku xidhi doonaa magaalooyinka Aysha iyo magaalo dekedeeda Berbera waxaana uu ka koobnaan doonaa 60KM oo Itoobiya dhexmara iyo 250KM oo Somaliland ah.

Mashruucani waxa uu kor u qaadi doonaa khadka isgaadhsiinta ee ay marto alaabta ka soo degta dekadda weyn ee Berbera, kharashka uu ku kacayana waxaa lagu qiyaasey 1.5 billion oo dollar.

Sidoo kale mashruucan ayaa dalka Itoobiya u furi doona waddo kale oo ay usoo marto alaabta debedda uga timaaddaa.

Dhismaha wadada tareenka ah ee isku xidhay Somaliland iyo itoobiya ayaa soo bandhiga qorshaheedu wuxuu indhaha caalamka kusoo jeedin doonaan muhiimada ay dekeda berbera leedahay geeska Africa taasi oo kor uqaadaysa kaalinta ay somaliand kaga jirto wadamada geeska Africa iyo halka ay ku taalo

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

Exit mobile version