WAJAALE NEWS

DAAWO;-Shacabka Ku Dhaqan Magaalo Ganacsiyeedka Tog Wajaale Oo Ka Cabanaya Biyo la’Aan Soo food Saartay!

TOG WAJAALE(W,N)-Shacabka ku dhaqan magaalo ganacsiyeedka tog wajaale ee gobolka gabiley ee xadka udhexeeya Somaliland iyo itoobiya ayaa cabasho xoogan ka muujiyay biyo la,aan baahsan oo soo food saartay iyadoo lagu xili jilaal ah ismarkaana deegaanada ku xeeran ay ka jirto abaari

Sidoo kale dadwaynaha ku dhaqan magaalada wajaale ayaa ka hadlay qiimaha foostaba biyaha oo marausa halkii ugu saray gaadhay 35000 kun oo Somaliland shilling ah.

Dhanka kale dadwaynaha reer wajaale ayaa sheegay in aanay wax biyo ahi usoo xidhin maalmahan kuwaasi oo ka yimaada deegaanka kalabaydh isagoo baaq udiray xukuumada Somaliland iyo wasaarada biyaha

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

Exit mobile version