GABILEY(W,N)-Musharax Maxamed Cismaan Liimo oo usharaxan Golaha wakiilada gobolka maroodi jeex iyo Musharax Maxamed Dayib oo usharaxan golaha deegaanka degmada gabiley ayaa deeg biyo gaadhsiiyay bulshadaku dhaqan deegaanka tuurcaanood ee gobolka gabiley oo ay saameeyeen abaraha xiligan ka jira deegaano katirsan gobolka gabiley iyo deegaanada ddsi itoobiya.
Waxaana ay halkaasi ugu qaybiyeen biyo iyadoo bulshada ku dhaqan deegaanadani ay uga mahad celiyay deeqdan ay soo gaadhsiiyay musharixiintani.
Dhanka kale waxaa halkaasi ka hadlay musharax maxamed cismaan iyo musharax maxamed dayib oo sheegay in ay la dareen yihiin dadkooda ay saamaysay biyo yaraantu islamarkaana ay uraadin doonaan sidii ay uheli lahaayeen biyo iyo wixii kale ee ah baahiyaha aas aasiga
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;