WAJAALE NEWS

“Siciid Rajo Fiican Oo Aad U fiican (80% Chance) Buu Leeyahay, In Uu Ka Mid Noqdo 17xubnood Ee Kusoo Bixi Doona Doorashada Golaha Degaanka Caasimadda”Cali Guray.

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray” Oo Kamid ah siyaasiyiinta reer Somaliland ee badi ka faalaado xaaladaha siyaasadeed ee ka taagan Somaliland iyo geeska Africa ayaa saadaaliyay raja musharax Aqoonyahan Siciid Jaamac Cali Oo usharaxan golaha deegaanka caasimada Hargaysa.

Siyaasi Cali Guray ayaa rajada musharax siciid cali cilmi ee soo bixitaanta xubnaha golaha deegaanka caasimada hargaysa ku tilmaamay in tahay mid 80% lagu rajo wayn yahay in uu soo baxo isagoo u eegay fursadaha uu hayso.

Dhanka kale siyaasi cali guray ayaa hoosta ka xariiqay laba musharax ee ay isku ardaaga yihii ee usharaxan golaha wakiilada cabdiraxmaan cadami oo ka sharaxan kulmiye iyo baashe cabdi yare oo isna ka sharaxan xisbiga ucid oo uu sheegay in labadan musharax rajadooda soo bixintaan tahay mid cidhiidhi ku jirtay iyo codadka looga baahan yahay

Muj cali qoray ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“Siciid Rajo Fiican Oo Aad U fiican (80% chance) buu leeyahay in Uu ka mid noqdo 17 xubnood ee ku soo bixi doona hadii Alleh Yidhaa Doorashada Golaha Degaanka Caasimadda. Waa Aniga xisaabtayda hadii aanay qalad ahayn. Labada musharax Ee Bashe Cabdiyare iyo Cabdiraxmaan Cadami kolay aniga Xagayga ilaa hadda lama saadaalin karo fursadahooda. Labadooda hadii uu mid soo baxayo waa in codka ardaaga ay ka soo wada jeedaan ka helaa qiyaastii 70% ugu yaraan ama Hadii aan si kale u dhigo Baashe wuxu ku soo bixi karaa ugu Yaraan 5000 oo cod halka Cabdiraxmaan Cadami oo Kulmiye Ahina uu ku soo bixi karo qiyaastii 6000 oo cod. Hadii Midkoodna uu gaadhi kari waayo tirooyinkaasi xaalkoodu wuxu noqon doonaa KOLKA WAAN DHICIYE XAMAANTA Aruri.

Doorashadii 2005tii Maroodi jeex ardaaga keliya ee sadexda Xisbiba ka sharaxnaa ee hadana hal musharax uu ka soo baxay Wuxu ahaa ardaagan oo keliya. Laakiin waxa jirtay talo ragna wuu u guntaday Rabina wuu aqbalay. Maantana bal aynu Eegno”

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

Exit mobile version