GABILEY(W,N)-Shirkada Isgaadhsiinta Casriga Ah Ee Somtel Ayaa Qaadhaan Gaadhaya $2565 Doler Ugu Deeqay Dhismaha Deyrka xabaalaha xaafada new gabiley ee magaalada gabiley kaasi oo ay ku wareejisay gudida gacanta ku haysa dhismaha dayrka Xabaalaha Xaafada New Gabiley.
Lacagtan oo dhamayd 2565 dollar Ayaa Shirkada Somtel Usoo Wakiilatay Maamulaha Shirkada Somtel Laanteeda Magaalada Gabiley, Maxamuud Cabdilahi Ismaaciil, oo Isaguna ku Wareejiyay Gudida Gacanta Ku Haysa Dhismaha Xayndaabka. Xabaalaha.
Shirkada Somtel ayaa Noqonaysa shirkadii ugu horaysay ee dhaqaale ugu deeqday dhismaha dayr xabaalaha gabiley oo gudida gacanta ku haysaa shacabka Somaliland iyo ganacsatada ugu baaqday in ay gacan ka gaystaan dhaqaalaha loo ururinayo dhismaha dayr xabaalaha magaalada gabiley
Sidoo kale waxaa shirkada somtel dhaqaalaha ay ugu deeqday dhismaha dayrka xabaalaha uga mahad naqay gudida gacanta ku haysta dhismaha dayrka xabaalaha.
WAJAALENEWS DESK
GABILEY OFFICE