WAJAALE NEWS

Abwaan Xasan Dhuxul Oo Si Rasmi Ah Ushaaciyay In Uu Sharaxan Golaha Wakiilada Gobolka Maroodi Jeex.

HARGAYSA(W,N)-Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laabsaalax) Oo kamid ah bawaanada dhalinyarada ah ee ugu Caansan Gayiga somalida guud ahan yaa manta si rasmi ah Ushaaciyay in Uu usharaxan yahay doorashada golaha wakiilada Ee Gobolka Maroodi jeex.

Sidoo kale Abwaan Xasan Dhuxul ayaa sheegay goorta uu qabanayo munaasibada shaacin iyo wakhtiga ay dhici doontoa +hoolka lagu qabanayo magaalada hargaysa

Abwaan xasan dhuxul ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu soo Saaray Oo Nuqulkamid ahi soo Gaadhay Shabakada wararka ee Wajaalenews Wuxuna Udhignaa Sidan;

“Maanta oo taariikhdu tahay 8dii February 2021ka waxa aan si Rasmi ah u shaacinayaa inaan ahay Musharrax u taagan Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland, oo Xisbiga KULMIYE Uga tartamaya Gobolka Maroodijeex.

Go,aankaygani waxa uu bar bilaw u yahay geeddigayga Siyaasadeed ee mustaqbalka. Waa qorshe aan ka baaraandegay Oo muddo soo socday.

Xafladda rasmiga ah ee shaacintu waxa ay ka dhacaysaa Maansoor Hotel Hargeysa

Maalinta: Arbacada

Taariikhda: 10ka Feberweri 2021ka

Saacadda: 08:00 Aroornimo Haddii Alle Idmo.

Exit mobile version