WAJAALE NEWS

Xildhibaanada Golaha Guurtida Oo Layskugu Yeedhay Fadhi Deg Deg Ah Iyo Sobobta!

HARGAYSA(W,N)-Mudaneyaasha Golaha Guurtida Ayaa layskugu Yeedhay in iskugu yimaadaan kulan Deg deg ah kaasi oo goluhu kaga arinsan doono mudada uu komishanku ucayimay doorashadu in ay qabsoonto iswaafajinta mudo kordhintii ay hore usameeyeen golaha guurtidu.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa kulan deg deg ah ugu baaqay  Mudaneyaasha Golaha Guurtida oo fasax ku maqan.

Xoghayaha Guud ee Golaha Guutida Cabdinaasir Beegsi, ayaa warbaahinta u sheegay in Shirguddoonka Guurtidu ku wargelinayaan Mudaneyaasha Guurtida fadhi aan caadi ahayn maalinta isniinta ee 1-02.2021-ka.

Halkan ka akhri warqada kazoo baxay xafiiska gudoomiyaha golaha guurtida ee layskugu yeedhay mudanayaasha golaha

Exit mobile version