WAJAALE NEWS

War-bixin Sheegtay In Xukuumaddu Somaliland Sannadkii Dhamaaday 70.000 Kun Oo Dollar Ku Bixisay In Laga Difaaco Baraha Bulshada!

U.S. one-hundred dollar bills are seen in this photo illustration at a bank in Seoul August 2, 2013. Picture taken August 2, 2013. South Korea's foreign reserves jumped to a record high in July, the central bank said on August 5, 2013, appearing to support traders' suspicions of dollar-buying intervention by currency authorities last month. The reserves stood at $329.71 billion at the end of July, up $3.27 billion from June, the Bank of Korea said in a statement, attributing the rise to management gains and the appreciation of the euro in July, which the Bank of Korea said was up 1.8 percent against the dollar last month. REUTERS/Kim Hong-Ji (SOUTH KOREA - Tags: BUSINESS) - RTX12AL7

Hargeysa (W,N)-Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay sannadkii dhamaaday ee 2020 lacag badan ku bixisay waxa loogu yeedho ‘Difaacidda Danaha Somaliland ee Baraha Bulshada’, taasi oo macnaheedu yahay in Dad si gaar ah loo Naasnuujiyey ay Xukuumadda ka difaacaan Baraha Bulshadu ku xidhiidho gudahooda ama in la aamusiyo Mareegaha Internet-ka, si aan wax looga qorin Xukuumadda.

Warbaahinta Somalilandchronicle oo uu Wargeyska Geeska Afrika soo xigtay, ayaa ku warrantay in sannadkii dhamaaday Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland ay lacag gaadhaysa 70.000 Dollar ku bixisay ‘Difaacidda danaha Somaliland ee baraha Bulshada’.

Warbaahinta Somalilandchronicle waxay xustay laba ka mid ah Mareegaha Wararka Internet-ka oo ay sheegtay in la siiyey Lacagta ugu badan, halka lacagta inteeda kalena la siiyey shaqsiyaad aan badnayn.

War-bixintan oo biyo-dhaceedu yahay in Xukuumaddu ku dedaalayso inay Gacanta ku dhigto Warbaahinta Madax-banaan si aan wax looga qorin Xukuumadda ayaa sheegtay “Arrintani maaha dedaalka kaliya ee ay xukuumada Somaliland iyo wasiir Koore ay ku doonayaan inay saxaafadda ku hoos keenaan gacanta dowlada..” ayuu sheegay Somalilandchronicle oo soo xiganaya Ilo-wareedyo.

Somalilandchronicle waxay sheegtay inay la xidhiidhay Wasiirka Warfaafinta Somaliland, si ay arrintan wax uga waydiiso, balse aanay suurto-gelin inay helaan.

 

Exit mobile version