Hadda sida xaalka Somaliland yahay ama ha Noqdo Musharax Baarlaman ama mid Gole degaan eh inta aan xisbiyo la gaadhin Musharaxnimadu waxay marka hore ka soo unkamaysaa Ardaayo. Taas oo ah wixii la odhan jiray constituency-ga ayaa Marka hore musharax kasta wuxu noqday uun ardaaga uu ka Soo jeedo iyo taageerada uu ka heli karo. Dhinaca kale marka Ardaa la leeyahay ma jiro ardaa codkiisu uu ku filan yahay in Keligii uu soo sari karo codka uu ku soo bixi karo musharaxoodu Xataa hadii ay codadkooda oo dhan isugu geeyan hal musharax Oo keliya. Tusaale ahaan Maroodijeex doorashadii 2005tii waxa Ka codbixiyay 253000 kuraasida gobolka ee loo tartamayay Waxay dhamayd 20 kursi. Markaa qiimaha halkii kursi wuxu Ahaa 12650. Muu jirin musharax keliya oo gaadhay tiradaasi Halkase sirtu ay ku jirtay waxay ahayd markaa hore isugeynta Tirada codadka uu helay xisbi kastaa ayaa loo qaybinayay Qiimaha halkii kursi. Sidaa ayuu Kulmiye oo ugu cod badnaa Kul 8 kursi Udub iyo Ucidna mid walba lix kursi kuraasidana Waxa ay musharixiinta xisbi kastaa u sii kala heleen sidii ay u Kala cod badnaayeen. Musharixiintii soo baxday waxay ku soo Kala baxeen cod 9000 ka badan ( kii ugu badnaa) iyo kii ugu Codka yaraa oo helay 4200 qiyaastii. Iyadoo ay taasi jirtay waxa La yaab noqotay in musharax helay 6000 oo cod uu dhacay Halka mid 4200 helayna uu soo baxay sababtuna waxay ahayd Habka loo yaqaan “proportionality” balse hadii ay noqon lahayd In 20ka ugu codka badani ay soo baxaan xaalku sidaa muu noqdeen. Tii ardaayada ayaan uga socdaye ardaayada soo baxay badankoodu waxay ahaayeen kuwii aan codadkoodu qaybsan ee musharaxa keliya isugu tegay. Waxa jiray ardaayo codadkooda marka la isku daro uu ka badnaa 8000 balse aan ku helin hal xildhibaan sababtuna waxay ahayd laba ama sadex musharax ayaa ku tartamayay oo ugu yaraan laba ka mid ah ay si wayn ugu kala qaybsadeen (3000+ 4000+), iyadoo dhinaca kale ay jireen yaanay badnaan eh ardaayo ka cod yaraa sadex Musharaxna ay ku tartamayeen codadka ardaagooda hadana Hal kursi helay. Taasina waxay ku dhacday farsamo la is-dheeraday uun eh si kale may ahayn.
Maanta arinku sidii ma noqon doono marka aynu eegno Korodhka la filayo ee tirada codbixiyaha gobolka Maroodijeex Oo halkii 2005tii ay ka ahayd 253000 la filayo in ay tiradaasi kor U kici doonto ugu yaraan 100000 oo ay gaadhi karto 350000 ama ka badan. Taas oo dabcan kor u qaadi karta qiimihii korsiga wax ku dhaw 7000 taas oo markaa lagu talogeli karo in uu gaadhi karo 19000.
Weliba codbixiyuhu maanta wuu diiwaan gashan yahay oo hal goob oo keliya ayuu codkiisa ka dhiban karaa. Hadda xaalkuna waa ardaagii markaa doorkan safaad ma jiro kurka ayaa la isgoynayaa. Ardaayada isu dhan ee hal musharax oo keliya isugu taga ayuun baa laga yaabaa in hal xildhibaan u soo baxo hadii wadar ahaan codadkoodu uu kor u dhaafi karo 6500 oo cod. Ardaayada safka hore markaa waa kuwa codadkoodu ay gaadhi karaan inta u dhaxaysay 6000 ilaa 8000 qiyaastii.
Markaa ardaaga iyo hadba sida xaaladda uu uga tashado ayay ku xidhnaan doontaa rejeda in uu hal xildhibaan ku yeelan karo Ama ka shubo marka labadiisa musharax ay isla dhacaan sidii Doorashadii horeba dhacday. Sidaa daraadeed ardaaga hal Musharax oo keliya ku tuntuunsada ayuun baa la odhan karaa Rajo ayuu leeyahay ee cid waliba taa ha ku xisaabtanto waayo waxa guulaysan doona 20 ardaa oo laga yaabo in ay leeyihiin Min hal musharax oo keliya.
QALINKII; SIYAASI CALI GURAY,