WAJAALE NEWS

Gudida Xulista Musharixiinta Ee Xisbiga Wadani Oo AQbalay Musharax Garyaqaan Maxamed Maxamuud ”Timo” Oo Usharaxan Golaha Wakiilada Ee Gobolka Maroodi Jeex.

Xildhibaan Bashiir Tukaale Oo Badalkiisii Beesha Ee Musharixiinta Golaha Wakiilada Ka Xaadiriyay Xisbiga Wadani.

HARGAYSA(W,N)-Xubno kamid ah gudida xulista musharixiinta Ee xisbga wadani Ayaa aqbalay musharax garyaqaan maxamed Maxamuuud Xaashi “timo” oo kamid ah xubnaha usharaxan xildhibaanada Golaha wakiilada ee gobolka maroodi jeex,

Musharax garyaqaan maxamed maxamuud xaashi  timo ayaa waxaa galbinayay madax dhaqameedka,waxgaradka, iyo aqoomyahanka  beesha usoo xulatay in uu umatalo golaha wakiilada gobolka maroodi jeex oo uu horkacayo xildhibaan bashiir tukaale Oo sheegay in uu garyaqaanku yahay badalkiisii golaha wakiilada Ee beesha Reer Xareed(Jibriil Abokor” ee degta gobolada gabiley iyo maroodi jeex .

Sidoo kale madaxdaqameedka beesha musharax garyaqaan timo ayaa xisbiga wadani uga mahad celiyay sida fiican ee ay u aqbaleen musharaxoodii iyagoo sheegay in ay cudud iyo codba la barbar taagan yihiin.

Dhanka kale xildhibaan bashiir tukaale oo kamid ah aas Aasayaasha xisbiga wadani iyo siyaasi axmed cumar xaaji cabdilaahi “Xamarji” oo ka hadlay musaanibada  qado sharaf ah ee lagu Aqbalay musharax garyaqaan timo iyo madaxdhaqameedka beeshiisa Ayaa soo dhaweeyay musharaxa oo kamid ah aqoonyahan dalka ee bartay culuumta sharciga.

 

Exit mobile version