WAJAALE NEWS

“Warkii Abiye Ahmed Wuxu Noqday Waxba Kama Jiraan, Xaaladuna Guud Ahaan Dalka Itoobiya Uma Muuqato Mid Kasoo Raynaysa”Siyaasi Cali Guray.

“Xaaladda Itoobiya Wax Ka Sii Daraya Mooyee, Wax Kasoo Raynaya Ilaa Hadda Uma Eka”Siyaasi Cali Guray.

“Warkii Abiye Ahmed Wuxu Noqday Waxba Kama Jiraan, Xaaladuna Guud Ahaan Dalka Itoobiya Uma Muuqato Mid Kasoo Raynaysa”Siyaasi Cali Guray.

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf ”Gali guray” Oo Kamid Aqoonyahan reer Somaliland ee ka faalooda Arimaha Siyaasadeed ee geeska Africa iyo nabadgalo ayaa sheegay in Xaalada dalka itoobiya ay kasii Darayso dagaalkii ay dawlada Fadaraalku ku qaaday gobolka tigray oo ay awood ciidan kula Wareegtay Caasimadiisa dhawaan kaasi oo raysalwasaaraha Itoobiya sheegay in ay la wareegeen balse ay wali Dagaaladu Kasii socdaan islamarkaana uu gudaha dalka itoobiya kusii Faafayaan dagaaladu.

Sidoo kale siyaasi cali guray ayaa farta ku fiiqay dagaalo Sokeeye oo laga cabsi qabo in ay ka bilowdaan Gudaha itoobiya Kuwaasi oo suurto gal ah in ay lumiyaan kala danbaynta Qoomiyad walibana ay Deegaankeeda iyadu ilaashato

Siyaasi Cali Guray ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu ku Baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee Facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“Hawlgalkii  Milatari Ee Dawladda Etoobiya Ay Ka Bilowday Gobolka Tigray Waxa u Dhamaaday haatan Muddo Hal bil ah. Dagaalkina wuu socdaa in kasta Oo RW Abye Ahmed markii ay ciidanka dawladdu ay La wareegeen gacan ku haynta Maqalle oo ah caasimadda gobolka Tigray uu sheegay in la soo afjaray Hawlgalkii milatariga. Warka Abye Ahmed wuxu noqday waxba kama jiraan xaaladuna guud ahaan dalka Itoobiya uma Muuqato mid ka soo raynaysa balse waxa uba Eeg tahay mid ka sii daraysa oo hadda kaba sii gudubtay xuduudaha gobolka Tigray oo hadda khilaafyo hor leh iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan ay Ka bilawday dhulka qoomiyadaha kale sida Amxaarada oo iyadu Dhul ay ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyooyinka Amxaaradu ay Hore uga qabsadeen gobolka Tigray sheegay in hadda uu ka Tirsan yahay gobolkooda maamul gaar ahna u sameeyay. Goobo ka tirsan Degaanada Oromada ay maalmihii ugu Dambaysay dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo xataa in dagaalo ka Dhacay ay wararku sheegayeen.

Hadaba RW Abye Ahmed ayaan ilaa hadda waxba ka odhan Xaaladda ka soo daraysa ee dalkiisa. Hadii ay sidan ku sii socoto Waxa suurogal ah, sidii ay dad badani saadaaliyeen in dagaalka Ka socda Itoobiya ay baahaan isuna rogaan dagaalo sokeeye oo Qoomiyadaysan, taas oo markaa qoomiyad waliba ay iyadu ku Dadaali doonto in Dhulkeeda ay iyadu taladiisa gacanta ku Wada dhigto una diido in cid kale ay ku soo farogeliso. Xataa Ciidamada dawladda ayaa suurogal ah in ay qoomiyado u kala Baxaan marka uu lumo is aaminkii dhexdoodu.

Haddii xaalku sidaa noqdo ma jirin doonto wax awood ah oo ay yeelan doonto Dawladda Federaalku Taas oo noqonaysa halista Ugu wayn ee la soo dersi karta RW Abye Ahmed marka Dagaaladu u tagaan Gudaha caasimada Addis Ababa oo laga Yaabo in ay ku hirdamaan labada qoomiyadood ee Amxaarada Iyo Oromadu taas markaa xaalku noqon doono Xaydba La Ilow. Marka ay qoomiyad walba teeda gaar Uga tashato horta yaa u Hadhay ee tii Federaalka ka talin doona?

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF “CALI GURAY”

Exit mobile version