WAJAALE NEWS

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Gaadhay Fadhiisimada Ciidamada Qaranka Ee Jiida Tukaraq Ee Gobolka Sool.

TUKARAQ(W,N)-Taliyaha  Ciidamada  Qaranka Somaliland  Sarreeyo Gaas Nuux Ismaciil Taani iyo Saraakiil uu Hoggaaminayo ayaa Safar shaqo ku gaadhay  Jiida hore  Gobalka Sool  ee fadhiisimada  Ciidamada Qaranku ku suganyihiiin.

Taliyaha  Ciidamada  Qaranka  ayaa waxa uu la  kulmay Saraakiisha ku sugan Aaga Tukaraq    Taliyaha Aagga Bari Sarreeyo Guuto  Cali Bare Xuseen    iyo  Taliyaha Qaybta 31aad  Ciidamada Qaranka  Gaashaanle  sarre Ismaaciil  Faarax  Cawaale (Doolaal)   kana dhagaystay xaalada Ciidamada  ee jiida hore.

Sidoo  kale Taliyaha Ciidamada  Qaranka  ayaa  waxa  uu  la kulmay Odayaasha iyo Waxgaradka  Magaalada Tukaraq  Odayaasha, isla markaana waxa  uu  uga umahad celiyay xidhiidhka wanaagsan ee u dhaxeeya Ciidamada  Qaranka iyo Dadweynaha Magaalada Tukaraq iyo Gambadha.

 

Exit mobile version