Xiligan Oo Somalia Ay Soo foodsaartay Doorashadii Baarlamanku Guud ahaan masraxa siyaasadda waxa hadheeyay khilaafyo is-huwan oo laga yaabo in ay caqabad aan laga gudbi Karin ku noqdaan suurogalnimada doorasho dadban oo la isla Ogol yahay. Waayo khilaafka ayaa leh wejiyo dhawr ah marka la Eego arimaha saamaynta ku leh doorashada oo aan ku koobnayn tartanka shakhsiyada damacyada leh ee doonaya in Ay ka mid noqdaan Xildhibaanada Baarlamanka cusub. Inta Badan dadka is hayaa maaha kuwa iyagu u tartamaya Baarlamanka ee waxa hadheeyay khilaafka shakhsiyaadka danaynaya in baarlamanka cusub ee la dooran doonaa uu u doorto Madaxwayne kuwaas oo tiradoodu ay ka badan tahay 12 musharax oo mucaarid ah iyo Madaxwaynaha xilka haya. Musharixiinta mucaaridku waxa keliya ee ay ku midaysan yihiin marka koobaad waa diidmada Komishanka Doorashada oo ay u tirinayaan in uu iska leeyahay Madaxwayne Farmaajo sidaa daraaded aanay dhex ahayn in kasta oo xulista ama doorashada xildhibaanadu aanay ahayn hawl ay iska leeyihiin Komishanku, hadana waxa suurogal ah in kaalinta Komishanka iyo saamaynta ay ku yeelan karto doorashadu ay muhiim tahay.
Runtii mar haddii aanay doorashadu ahayn hal qof iyo hal cod saamiqaybsiguna uu yahay 4.5 Komishanka Doorashadu waxaba qalad ah inay ku yeeshaan qabashada doorashada dadban awood ay wax ku muquunin karaan, hadii kale mucaaridku kuma qaldana hadii ay ku doodaan sida haddaba mawqifkoodu yahay in la helo Komishan Dhex ah oo lagu wada kalsoonaan karo ama heshiis lagu yahay.
Sida loo soo dooranayo xildhibaanada ama loo soo xulayo kuwa dooranaya heshiis laguma aha heshiiyadii horena waxa laga yaabaa in dhinaansho uu jiray oo aanay si dhamaystiran uu faahfaahsanayn. Haddii inta kale lagu heshiiyo waxa jira kuwo si gaar ah la isugu hayo. Waxa ka mid ah xubnaha ka soo jeeda Somaliland iyo xataa xubnaha Jubbaland . Xubnaha ka soo jeeda Somaliland 15 ka mid ah Madaxwayne Farmaajo wuxu aqbalay in Puntland laga soo doorto sidii uu ku dacwiyay Madaxwaynaha Puntland balse waxa aan weli heshiis lagu ahayn halka iyo sida loo dooranayo 45 xubnood oo beelaha Dir Waqooyi ka soo jeeda.
Marka la eego heerka kala shakiga iyo fsrogelinta dibadda ee dawladaha danaha ka leh Somalia way adag tahay in caqabadaha hor yaal doorashada Somalia lagaga gudbi karo muddada yar ee ka hadhsan doorashada muddo kordhin la isla ogol yahayna ma jirto ee car iyo car bay joogtaa in kasta oo xukuumaddu ay maalmihii ugu dambeeyay ku hawlanayd adkaynta nabadgelyada magaalo madaxda Muqdisho. Sidaa daraadeed hadii aan caqligu shaqayn oo aan la isu tanaasulin dabcan waa laga qabi karaa in xaaladda nabadgelyada Muqdisho ay faraha ka bixi karto taas oo markaa noqonaysa nasiib darrada ugu wayn Alleh ha sahlo eh.
SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF “CALI GURAY” FALANQEEYAHA ARIMAHA NABADGALYADA IYO SIYAASADA GEESKA AFRICA.