WAJAALE NEWS

Ma Laga Yaabaa Itoobiya In Maalin Xalka Keli Ahi Noqdo Ra’iisul Wasaare Ka Soo Jeeda Qoomiyadda Soomaalida?Cali Guray.

ITOOBIYA:Fari Togdheer Bay Kula Xushaaye,

Talo Waxa la yidhi waa mar aad garan waydo iyo mar aad Gaadhi waydo. Abye Ahmed waxa hoday qoomiyadda Amxaarada oo uu isku aaminay. Markii uu ka takhalusayay Tigreyga awaaddii amniga qaranka oo dhan xilalkii ugu sareeyay Wuxu gacanta u wada geliyay qoomiyadda Amxaarada oo iyagu Geliyay dagaalka gobolka Tigray. Mudadii uu socday dagaalku khasaaraha ugu badani wuxu ka soo gaadhay qoomiyadda Tigrayga. Ka hor intii aanu dhicin dagaalka Tigraygu dhibaatada Ugu badani waxay gaadhay qoomiyadda Oromada oo iyagu Muddo  ka waday  degaankooda kacdoono is dabajoogo ah oo Sababay dhimasho dhawaac iyo xadhig ilaa toban kun xabsiyada la dhigay oo ay ku jiraan madaxdii dawlad degaankoodu xataa Madaxwaynihii iyo hogaamiyahoodii ruuxiga ahaa ee Jawhar. Dhinaca kale intii dagaalka Tigraygu waxa jiray dad ka soo jeeday qoomiyadda Amxaarada oo iyagana lagu laayay gobolo dhawr ah. Qoomiyadda Amxaaradu intii ay dhimanayeen dadka qoomiyadaha kale maaha kamay danqanayn ee iyaga ayaa qayb ka ahaa go’aamada uu qaadanayay Abye Axmed oo ku riixayay xalka “Xadhigga Iyo Xabbadda”. Weliba iyaga ayaa mar kasta ka diidanaa Abye Axmed wax debec ah kana diidanaa in wakhti uu siiyo xalka nabadda oo ah xal siyaasadeed oo ku dhisan wadahadal is qancin iyo isu tanaasul.

Hadda warkii ugu dambeeyay ee ka soo yeedhay Gobolka Axmaaradu wuxu noqday in ay u soo jeediyeen RW Abye Ahmed in xilka uu ka dego oo iska casilo iyaga oo ku sababaynaya in uu waxba ka qaban waayay Amxaarada lagu laayay gobolada ay deris-wadaagga yihiin ee Oromada, Bishangul- Gurmus,  iyo Tigray. Dhinaca bariga ee Canfarta laftiisu ma qulqulad la’ waxa jira isku dhacyo.

Hadaba laga yaabaa dhinaca Amxaarada in go’aankoodu aanu ku ekayn Axmaaro la laayay oo keliya waayo marka loo eego qoomiyadaha kale qaarkood sida Tigrayga iyo Oromada laftooda dhimashada Axaaradu weli way sahalan tahay. Ha yeeshee waxa suurogal ah in la gaadhay halkii ay Axmaaradu ku talo gashay in iyaga iyo Abye Ahmed oo iyagu heshiis ku ahaa dagaalka lagu qaaday Gobolka Tigray ay ku kala leexan lahaayeen ama ay kaga takhalusi lahaayeen laftiisa si awoodda xukunka ay iyagu ugala wareegaan sida loo badinayo in damacoodu ahaa. Balse taasi uma muuqato wax xiliyada dhaw suurogal noqon kara,

Qoomiyadaha Itoobiya qoomiyada keliya ee colaadaha ka jirta guud ahaan dalka Itoobiya ka badbaaday waa qoomiyadda soomaalida oo iyagu aan wax colaad gaar ahi ka dhaxaynin qoomiyad keliya. Gobolka Tigray ee dagaalada ugu culusi ay ka socdaan iyo degaanaka soomaalida Itoobiyana waa labada gobol ee ugu kala fog. hadaba Itoobiya dagaalada ka hurayaa way badan yihiin. Waxaynu ognahay dagaalada ka dhexeeya Sudan iyo Itoobiya oo runtii dhabarjebin ku ah Dawladda Itoobiya xiligan halka ay war lagu diirsaday ka yahay Gobolka Tigray iyo Jabhadda TPLF.

Colaadda ka aloosan Itoobiya marka la eego kolay anigu uma filayo in xaaladda Itoobiya ay marna caadi ku soo noqon karto sanadaha soo socda hadii ay noqoto in Abiye Ahmed uu meesha ka baxo lafteeda cidda keliya ee laga yaabo in dhinacyada is-hayaa ay ku wada kalsoonaan karaan waa qoomiyada soomaalida ee ma laga yaabaa in Raiisul Wasaare soomali ahi uu Itoobiya ka soo dhex baxo kaas oo marxalad kala guur ah marka la gaadho isagu hogaamiya si waanwaan nabadeed iyo dibu heshiin loo gaadho. Laga yaabaa waana suurogal hadii Itoobiya aanay gebi ahaanba ku burburin dagaalada iyo colaadaha ka aloosan oo aan runtii la saadaalin karin gorta iyo sida loo soo afjari karo

QALINKII SIYAASI Cali Maxamed Yuusuf “cali gurey”

Hargeysa Somaliland

Exit mobile version