HARGAYSA(W,N).Somaliland wadamada ay Deriska la tahay ee xuduudaha ay la wadaagto oo dhami si toos ah ayay arimaheeda gudaha ugu hayaan farogelin joogto ah. Dawladda Itoobiya waxay si gaar ah uga hortimi danihii istraatajiga ahaa ee ka dhexeeyay Somaliland waxana kala muhiimsanaaday waxa lagu sheegay isbedelka cusub ee Geeska Afrika ee hore heshiika ay ugu wada galeen Afwarqe, Abye Ahmed, iyo Farmaajo oo hadda galay marxaladiisii fulinta dhinaca Itoobiya iyo Somalia. Siday u muuqato Dagaalka Tigray iyo ka laga wado Jubbaland ayay labduba u adeegayaan hirgelinta ujeedooyinkii laga lahaa heshiiskaasi oo hadda u dhurtay in uu noqdo (Heshiiska Burburinta Dimuqraadiyadda Geeska Afrika).
Madaxwaynaha Somaliland in laftiisa hoos wax loo yidhi qaybna uu ka yahay mashruucan iyo in kale lama kala cadayn karo waayo marna muu cadaynin mawqifkiisa balse wuxu ku celceliyaa amaanta madaxdii iyagu heshiiska wada galay. Taas oo loo fasiran karo in uu la dhacsan yahay sida ay odayaashu wax u wadaan.
Hadaba si kastaba xaalku ha ahaado eh shirqoolka ka dhanka ah dimuqraadiyadda Geeska waxa ka Sheekh ah Afwarqe ninka lagu daba tukanayaana waa isaga ee rumayso ama ha rumaysan.
Hadaba Afwarqe waa digtayrka ugu xun Geeska. Nn weriye ah ayaa waydiiyay “ goorma ayaa laga yaabaa in Calatariya ay doorasho ka qabsoonto?”. Wuxu ku jawaabay “doorashadu waa maxay?”. Suxufigii oo la yaabbanoo wuxu yidhaa garan la’ ayuu isagi hadana hadalkii ku soo noqday. Ku lahaa mooyi malaha toban sanadood ka dib. Garan maayo in aanay waligeed ka dhin baa laga yaabaa.
In kasta oo dalka Calatariya Ku dhawaad 30 sanadood madaxbanaanidiisa haystay hadana dadki mar keliya fursad umay helin in iyagu ay madaxdooda doortaan.
Hadda bal Itoobiya iyo Abye Ahmed iyo dagaalka Tigray ha haba inoo dambeeyee Farmaajo isagana Jubbaland ta uu ka wadaa ma Homework baa loo soo siiyay waa yaabe. Waayo hadii aanay sidaa ahayn waxa uu ka wado Jubbaland saw waali-duul maaha. Gobolka Gedo wuxu ka tirsan yahay Jubbaland eh waa maxay waxa uu kaga duwan yahay gobolada kale. Ma reerkayga ayaa degaanka u badan baa? Oo taasi miyay u shaqayn kartaa saw ninba degaan yeelan maayo?
Iga qora khilaafka gudaha ee Somalia xalku maaha xabad iyo xadhig. Hadii odaygii Siyaad Barre aynu cashar keliya ka baranay waa in xadhig iyo xabbadi aanay xal u noqon karin khilaafka gudaha. Waxa ka dhalan karaana waa wixii ka dhashaye Farmaajo ha ku seexdo oo ha ku soo tooso. Ninka aan casharkaa baran anigu waxan u aqaan arday saaqid ah.
Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Caligurey”
Hargeysa