MAYDH(W,N)-Wafti Ka Socda Xukuumada Somaliland oo ay hogaaminayaan Maareeyaha Dekedaha Somaliland iyo wasiirka xanaanada xoolaha oo socdaal ku joogay gobolka sanaag ayaa maanta Dhagax-dhigay Dhismaha Dekeda cusub ee Maydh.
Sidoo kale wafti xukuumada ayaa waxaa weheliyay maamulka gobolka sanaag, maayarka magaalada ceerigaabo iyo saraakiil ka socda ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland ayaa Maanta Magaalada Maydh ka Dhagax-dhigay dhismaha Dekeda cusub ee Maydh oo laga Maalgelinayo sanduuqa SDF.
Mashruuca Dhagax-dhiga Dhismaha Dekeda Maydh, ayaa waxa si wada-jira u dhigay Maareeyaha Dekedaha Somaliland, Xubno kamid ah Boodhka Dekedaha Somaliland iyo Wasiirka Kaluumaysiga iyo xanaanada Xoolaha Somaliland iyo weliba Badhasaabka Gobolka Sanaag Md Axmed Cismaan Xasan.
Sidoo kale, dadweynaha Magaalada Maydh ayaa si weyn usoo dhoweeyey waftiga maanta Dhagax-dhigay Dhismaha Dekeda cusub ee Maydh.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;