HARGAYSA(W,N)-Xoghayaha Diinta Iyo Awqaafta ee xisbiga Ucid Ahna Murashax Golaha Wakiilada Utartamaya ee gobolka maroodi jeex sheikh Ibraahim Cabdi Xuseen iyo wafti uu hogaaminaya ayaa abaabul balaadhan ka galay sidii ay bulshada uqaadan lahaayeen kaadhka codbixinta ee dhawaan lagu soo gabo gabeeyay deegaanada gobolka maroodi jeex Qaarkood ee xuduudka teedsan. Sida wajaale, allaybaday iyo faro wayne.
Sdoo kale murashax sheikh ibraahim iyo wafti uu hogaaminayo ayaa gaadhay magaalada Harta sheekha iyo deegaanka hoos yimaada ee dawlad deegaanka somalida halkaasi oo sidiiran loogu soo dhaweeyay cadeeyayna sida ay utaageersan yihiin murashaxa isagoo ku booriyay in ay isdiwaan galiyaan.
Dhanka kale madaxdhaqameedka iyo Waxgaradka ku dhaqan deegaanka ayaa taageero balaadhan umuujiyay murashax oo ay sheegeen in uu yahay shakhsiga kaliya ee baahiyahooga ka shaqayn doono,
Dhanka kale muharax sheekg ibraahim cabdi xuseen ayaa shacabka ku dhaqan caasimada hargaysa ugu baaqay in ay isdiwaan galiyaana qaataana kaadhka codbixinta.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;