WAJAALE NEWS

DAAWO;-Maayarka Gabiley Oo Deeq Lacag Ah Ka Gudoomay Ururka Al Khayriya, Soona Kormeeray Dhismaha Maktabada Gabiley.

GABILEY(W,N)-Maayarka magaalada gabiley oo ay weheliyaan xubno katirsan xildhibaanada golaha deegaanka gabiley ayaa deeq lacag ka gudoomay ururka alkhiyara oo fadhigoodu yahay dalka ingiriirsan deeqdaasi oo ay ugu deeqeen dhismaha maktabada gabiley oo xiligan gabo gabo ku dhow.

Sidoo kale maayarka gabiley iyo xubnihii ka socday ururka deeqdasoo gaadhsiyay ayaa kormeer ku tagay dhismaha maktabada gabiley,

Maayarka magaalada gabiley ayaa uga mahad celiyay deeqdan ururka alkhayriya oo ay wakiil ka ahayd Marwo shurgi maax.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

Exit mobile version