WAJAALE NEWS

DAAWO;-Hooyada Dhashay Muwaadin Ay Xukuumada Somaliland Udhiibtay Dalka Jabuuti Oo Markale Fariin Qiiro Leh Udiray Madaxwayne Biixi!

“Hooyo La Dulmay baan Ahayn Oo La Midab Takooray Inankeediina Loo Dhiibay Dalka Jabuuti”Faadumo Fariid.

GABILEY(W,N)-Hooyada dhashay Cabdilaahi Sheikh Cabdiraxmaan Oo Ah Muwaadin udhashay Somaliland islamarkaana  Xukuumadii Axmed siilaanyo hore ugacan galisay dalka jabuuti kuna xidhan mudo todoba sano islamarkaana uu madaxwayne muuse biixi hore usheegay in ay dawlada jabuuti kala hadleen xadhigiisa iyo sidii loo soo furdaamin lahaa ayaa markale fariin murugo leh udiray madaxwaynaha Somaliland oo ay ka codsatay in uu inankeeda sharcidarada lagu dhiibay dalka Jabuuti  usoo daayo maadama oo hada ku sugan yahay dalka jabuuti.

Sidoo kale waxaa shacabka Somaliland iswaydiinayaa Madaxwayne biixi ma fulin doonaa balanta uu qaaday ee ah in muwaadinkan uu kazoo daydoono dawlada jabuuti ee uu ku xidhan yahay xabsigeeda

HALKAN KA DAAWO FARIINTA HOOYADA DHASHAY WIILKA KUXIDHAN JABUUTI IYO HADALKII MADAXWAYNE BIIXI UU KU BALAN QAADAY IN AY KA HAWLGALAYAAN SOODAYNTIISA;

Exit mobile version