WAJAALE NEWS

Xildhibaan Axmed Cabdi (Axmed Ini) Oo Casho Sharaf Dhiiri Galin Ah Usameeyay Xulka Gobolka Gabiley.

HARGAYSA(W,N)-Xildhibaan Axmed Cabdi muuse (Axmed Ini) Oo kamid xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland oo uu Dhawaan kamid noqday ayaa casho sharaf ku maamuusay Xualka gobolka Gabiley uga qayb galaya tartanka gobolada Somaliland oo ka socday  garoonka casimada Hargaysa.

Munaasibada cashada ah ee Xildhibaan Axmed Ini Usameeyay Ciyaartoyga gobolka gabiley ayaa habeenkii xalay lagu qabtay Huteelka Hido Dhowr ee Magaalada Hargaysa.

Waxaana munaasibada kasoo qaybgalay badhasaabka gobolka Gabiley,maayara magaalada gabiley xildhibaano, iyo xubno Katirsan xisbi xaakimka kulmiye io guud ahaan ciyaartoyga gobolka ee cagta,orodka,baaskidka  .

Ujeedada Casuumada uu xildhibaanku usameeyay xulka Gobolada gabiley ayaa ahayd mid uu ku dhiiri galinayo ciyaaryahanada si dadaalka ay ugu jiraan guulo ay gaadhaan ay loogu barbar istaagi lahaa.

Xildhibaan Axmed Ini oo isagu golaha wakiilada ku jiray mudo Aan Gaadhi bil ayaa noqonaya masuulkii ugu horeeyay ee katirsan golayaasha qaran ee casuumad usameeyay xulka Gobolka gabiley ee magaalada hargaysa ku sugan.

Dhanka kale xubnaha xilalka ka haya xukuumada madaxwyne biixi ayaa isagu gabi ahaanba kasoo ag wareegin xulka gobolka gabiley isagoo xataa aan wax dhiiri galin ah usamaynin halka masuuliyiinta wasiirada ah,agaasimayaasha ee gobolada kale ee Somaliland kasoo jeedaa a ka dhex muuqda casuumadaha loo Samaynayay xulalka goboladooda halka aanay jirin doorkii Masuuliyiinta ee xubnaha xilalka hayaa ku lahaayeen xulka Gobolka gabiley matalaya.

Taageerada iyo dhiiri galinta xulka gobolka gabiley ayaa sanadkan ku kaliyaysatay maamulka dawlada hoose ee degmada gabiley oo iyagu hiil iyo hooba la garab taagan sidii ay udabooli lahayd baahiya xulka gobolka gabiley iyagoo xataa Siiyay lacago ay ku dhiiri galinayaa.

Sikastaba Ha ahaa waxaa la tabayaa doorkii xubnaha xilalka haya Ay ku lahaayeen dhiiri galinta iyo taageerada ee xulka gobolka gabiley uga qaybgalaya tartanka gobolada iyagoo ciyaartii uhoraysayee ay yeesheen muujiyay awoodooda iyo ciyaar wanaag soo jiidatay shacabka reer Somaliland

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

 

Exit mobile version