HARGAYSA(W,N)-Xoghayaha Arrimaha Bulshada Xisbiga Ee WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa si adag uga hadlay go,aankii xukuumada madaxwayne biixi ku shaacisay in dalka ay ka joojisay soo dajinta gaadiidka yar yare e VITZta isagoo ku tilmaamay go,aamkaasi mid kasoo baxay xukuumad ka aradan dawladnimada oo cadow ku ah shacabkeeda
“Tallaabada joojinta gaadiidka VITZ-ta waa go’aan dawladnimada ka arradan oo muujinaya axmaqnimo iyo arxandarro maamul. Xukuumaddu waxay u taqaan VITZ-ta gaadhi aan manfac lahayn, shacabkuna waxay ogyihiin in V8-ka wasiirradu ku raaxaystaan aanu manfac inoo lahan dhaqaale ahaan. Waxa ku nool kumanaan qoys, waxa shaqo abuur ka helay dhallinyaro badan, VITZ-tu waxay badbaadisay bilaa camal badan oo Tahriibi lahaa.”
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;