WAJAALE NEWS

“Siyaasaddii Jeegaantu Marbay Ahayd, Markiina Nin Keliya Ayay Anfacday, Oo Keligii Ku Guuray Oo Madaxwayne Ku Noqday”Cali Guray.

“Hadalkii Dr Gaboose Ka Yidhi Gaashaamo Waan Taageersanahay Xataa Marka Aan Akhriyay Sadarada Dhexdooda”Siyaasi Cali Guray.

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “cali Guray” oo kamid ah Siyaasiyiinta madaxa Banaan ee Somaliland ayaa ka Dareen Celiyay Hadal dhawaan Dr gaboose ka yidhi markii uu ku sugnaa magaalada gaashamo ee ismaamulka somalida itoobiya oo lagu soo dhawaynayay madaxwayne mustafe Cagjar taasi oo siyaasiyiin reer Somaliland ah siyaabo kala u fasireen.

Sidoo kale Siyaasi Cali guray ayaa sheegay in uu taageersan yahay hadal Dr gaboose

Dhanka kale siyaasi Cali Guray ayaa sheegay in isbahaysigii jeegaanka Ay nin galiya anfacay islamarkaana uu kaligii madaxwayne ku noqday balse aanu dan ka lahayd xaalada somaliland  sida ay tahay haatan,

Siyaasi cali guray ayaa qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

Fartu Diidaye Ma Fulaa Dhaqay;

“Hadalkii Dr Gaboose ka yidhi Gaashaamo Waan Taageersanahay xataa marka aan Akhriyay Sadarada Dhexdooda een helay fariintiisa dhinaca siyasadda. Kolka aan leeyahay midnimada Burco danta Somaliland baa ku jirta wax kale uma jeedo ee waa Intaa uu Dr Gaboose u jeeday sida aan U fahmay. Siyaasaddii Jeegaantu mar bay ahayd markiina nin keliya ayay anfacday oo keligii ku guuray oo Madaxwayne ku Noqday ka dib markii uu Dantiisii ku gaadhayna wuu iskaga Maarmay. Xaaladda dalku maanta siday tahayna inta wax ogi Way og yihiin Ilaahayna qiyaamaha kuwa wax og iyo kuwa Aan wax ogayn si uma wada xisaabiyo هل يستوى اللدين يعلمون واللدين لايعلمون

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF “CALI GURAY.

HARGEISA SOMALILAND

Exit mobile version