WAJAALE NEWS

Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Dagaalka Gobolka Tigray Iyo Kumaan Qof Oo Ka Barakacay Guryahoodii,

HARGAYSA(W,N)-Qaramada Midoobay ayaa war cusub ka soo saartay dagaalka ka socda gobolka Tigray oo ku yaalla waqooyiga dalka Itoobiya, kaas oo u dhexeeya ciidammada federaalka iyo kuwa deegaanka Tigray ee loo yaqaano TPLF.

Qoraalka ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa marka hore lagu sheegay inay ka walaacsan tahay xaaladda dadka rayidka ah ee lagu dul dagaalamayo.

Sidoo kale Qaramada Midoobay, gaar ahaan xafiiskeeda arrimaha bani’aadanimada ayaa sheegay in ha’yadaha gargaarka ayna geli karin gobolka Tigray, si ay ugu gurmadaan shacabka.

Sidoo kale wuxuu xafiisku intaasi ku daray in aan gargaar sida cuntada iyo adeeg caafimaad la gaadhsiin karin dadka ku go’doomay dagaalkaasi.

Is-gaadhsiinta deegaanka ayaa sidoo kale meesha ka baxday, taas oo sii adkeysay xaaladda adag ee ka jirta gobolkaasi.

Kumaan dad ah ayaa ka barakacay guryahooda, una tallaabaday wadanka Suudaan, kuwaas oo tiradooda lagu qiyaasay illaa 11,000 oo qoys, waxaana Qaramada Midoobay ay shaaca ka qaaday in tirada dadka qaxaya ay sare u kici karto maalmaha soo socda.

Xaaladda gobolka Tigray ayaa weli u cakiran, iyada oo sii xooggeysanayaan dagaallada u dhexeeya labada dhinac, kuwaas oo dhaliyey khasaare dhimasho iyo dhaawac badan

Exit mobile version