WAJAALE NEWS

Fadeexado Iyo Musuq-maaliyadeed Oo Dul-hoganaya Kooxda Kootada Ku Haysata Laydhka Berbera!!

Berbera(W,N)-Shirkada Kootada ku haysata Laydhka Magaalada Berbera, oo ay mudo 6 sanno ah, gacanta ku Hayeen shaqsiyaad ganacsato ah, ayaa sida ay tibaaxeen Ilo-wareedyo laga helay in aanay bixin cashuurta ku Waajibta shaqaalaheeda kala duwan.


Dhukmantiyo xisaabeed oo ay heshay Shabakada Xogreebnews, kuma cada hab-xisaabeedkooda wax cashuur bixin shaqaaleed, waxana xoggaha arrintan la xidhiidha intaa ku Dareen in saamileyda kooxda Kootada ku haysata Laydhka Berbera si cad u diideen bixinta cashuurta.
Sidoo kale, xoggaha laga helay Maamulka Shirkada Laydhka Berbera iyo Masuuliyiinta maaliyada Gobolka Saaxil, waxay sheegeen in odayaasha ganacsatada ah ee Laydhka maamulaa diideen bixinta cashuurta sannaad laha ah ee ku waajibtay. Mushaharka Shaqaalaha Warshada Laydhka Berbera, ayaa ah mid miisaaniyadisu badan tahay sida ku cad dhulmintiyo xisaabeed ay heshay Shabakada Xogreebnews, waxana lagu sheegay lacag cadadkeedu dhan yahay, Totalka musharka $ 20, 47500
Sanadkii $ 14,738.4
Shanti sano u danbsaysay $ 73,692.
Geesta kale, magaalada Berbera, ayaa la daranyaysan adeeg xumo laydh, iyadoo qiimaha Laydhka oo qaaliya ay kaga sii daran tahay Bulshada Laydh la’aan saacado badan, iyadoo weliba cimilada Magaalada Berbera intaa badan tahay mid aad u Kulul.
WAJAALENEWS DESK
BERBERA OFFICE

Exit mobile version