Dhalinyaro Tiro Badan Oo Ku Nafwaayay Qaraxii Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.
MUQDISHO(W,N)-Faaf-faahin Dheeraad ah Ayaa ka soo baxaysa qarax caawa fiidkii ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan maqaayad u dhaw garoonka diyaaradaha ee aadan Cadde, waxaana dhawaqa qaraxaasi si weyn looga maqlayay xaafadaha magaalada Muqdisho ee Gobolkani banaadir.
Qof isku soo xidhay Walxaha Qarxa ayaa isku qarxiyay maqaayadda jalaato Devino oo ku taal wadadda laga galo Garoonka diyaaradaha Ee Adan Cade ,maqaayada ayaa ah mid inta badan dadku isugu yimaadaan.
Wararka kazoo baxaya qaraxani ayaa sheegaya Inta la xaqiijiyay In Ay ku dhinteen 7 ruux halka tiro ka badan 10 ruux ahi ay ku dhaawacmeen sida laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka gaadiidka gurmadka deg deg ah ee Aamin Ambulance
Saraakiisha caafimaadka ayaa intaa ku darray in khasaaruhu ka sii badan karo madaama wali gurmadku socdo, dadka ku dhintay qaraxan ayaa u badnaa dhalinyarro siweyn intooda badan looga garanayay magaalada Muqdisho kuwaasi oo qaar ka mid ah durbaba tacsidoodu ay qabsatay baraha bulshada.
Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxaa ka taagaan xaalad siyaasadeed oo cakiran taasi oo udhaxaysa xukuumada madaxwayne farmaaji iyo madasha ay ku midoobeen murashixiinta madaxwaynaha oo iyagu shirar kala duwan ku qabanayay huteelada magaalada muqdisho
Dhanka kale qaraxyada ayaa iyaguna kusoo banayay magaalada muqdisho kuwaasi oo lagu bartilmaameedsanayo goobaha muhiimka ah iyo saraakiisha dowladda.
Laamaha dawlada ayaan iyagu wali wax war ah kazoo saarin qaraxani sidoo kale majirto wali cid sheegatay in ay fulisay qaraxani.
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE.