BURCO(W,N)-Siyaasi Maxamed Cabdi Jaamac Dhimbiil oo kamid siyaasiyiinta da,dayar ee hormuud ka ah dhalinyrada reer somaliland hanka leh ayaa madaxwayne biixi ugu baaqay in la furo ururada siyaasada oo wakhtigii loo mudeeyay ay mudo koobani ka hadhsan tahay.
Sidoo kale siyaasi dhimbiil ayaa ka hadlay khudbadii madaxwayne biixi ka jeediyay shirwaynihii xisbiga oo uu ku tilmaamay in ay ahayd khudbad hanjabaado ku jireen.
Dhanka kale siyaasi dhimbiil ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in agaasimayaashii guud ee qaranku dhex fadhiyeen shirwaynihii xisbiga kulmiye halka qaarkoodna ay kamid yihiin golaha dhexe.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;