HARGAYSA(W,N)-Waftigii ka socday Somaliland ee maalmihii Udanbeeyay ku sugnaa dalka Uganda oo ay kaga qaybgalayeen Munaasibad lagu daahfuray Warshada sonkorta oo Ay dalka Uganda ka hirgalisay ganacsato Aamina oo kasoo jeeda Somaliland ka ayaa soo muuqday iyaga oo kulan ay wada Sawiran yihiin la qaatay Waftiga ka socday maamulka muqdisho Oo uu hogaaminayay Raysal wasaare kuxigeenka Somaliland Mahdi Guuleed.
Kulanka dhexmaray waftiga ka socday Somaliland oo uu Hogaaminayo Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha Wakiilada Axmed yaasiin sheikh Cali Ayaanle iyo waftiga Raysal Wasaare kuxigeenka somaliya Mahdi Guuleed wada yeesheen Ayaan sicad oo ogayn waxa ay ka wada hadleen labada dhinac Iyo ujeedada ka danbaysay in ay waftiga reer Somaliland la Kulmaan Raysal wasaare kuxigeenka somaliya oo isagu deegaan Ahaan kasoo jeeda Somaliland kana mid ah shakhsiyaadka sida Wayn uga soo horjeeda qadiyada madaxbanaanida Somaliland.
Shacabka reer Somaliland ayaa dareeno kala duwan ay ku Abuurtay kulanka dhexmaray waftiga somalland ka socday iyo Raysal-wasaare kuxigeenka somaliya kaasi oo ay ka dhalatay Hadalhayn badan tan iyo intii ay baraha bulshada soo Gaadheen sawirada ay kasoo wada muuqdaan waftiyada ka Kala socday Somaliland iyo Somaliya ee ku kulmay caasimada Dalka Uganda
Sikastaba ka ahaatee waftiga ka socda Somaliland ayaa looga fadhiyaa in ay faah faahin bulshada ka siiyaan kulanka ay la Qaateen madaxda ka socota somaliya ee uu hogaaminayo Raysal-wasaare kuxigeenku mahdi guuleed taasi oo dhanka kale Lafilayo in ay shacabka Somaliland iyo xisbiyada mucaaridka ay Siwayn uga hadlaan iyaga oo xukumada madaxwayne Biixi oo Iyadu U igman wixii wada hadal lala galayo koonfurta somaliya In Ay faah faahin kaga dalbadaan la xidhiidha kulanka labadan Dhinac oo aan hore uqorshaysnayn.
Halka waftiga uu hogaaminayo gudoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha wakiilada oo ay weheliyaan mudanayaal katirsan golaha wakiilada iyo xoghayaha golahu in ay bulshada uga xog waramaan kulanka ay la yeesheen raysal wasaare kuxigeenka somaliya iyo waxa uu daarnaa
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE.