WAJAALE NEWS

Markabkii Ugu Weynaa Abid Oo Kusoo Xidhay Dekeda Berbera.

Berbera(W,N)-Dekeda Caalamiga ah ee Berbera, ayaa waxa Maanta kusoo xidhay Markabkii ugu weynaa ee abid kusoo xidha Dekeda Berbera.

Markabkan, ayaa sida in ka badan laba kun oo Koontiinar, kuwasoo u siday ganacsatada reer Somaliland Badeecadaha kala soo dega Dekeda caalamiga  ah ee Berbera.

Markabkan oo ay leedahay Shirkada MSC, ayaa dhereerkiisu yahay 243 Meter. Waxanu noqonayaa Markabkii ugu weyna ee abid kusoo xidha Dekeda Berbera.

Markabkii kan ka horeeyey ee noqonaya kii labaad ee ugu weynaa ee abid kusoo xidha Dekeda Berbera, waxa uu dhereerkiisu ahaa 232 meter.

Dekeda Berbera ayaa maalinba maalinta ka dambaysa noqonaysaa mid Caalamiya. Tan iyo intii ay dekedu yeelatay Taagag Taagag Casriya, kuwasoo awood u leh inay soo xidhaan Maraakiibta waaweyn ee sida Koontiinaska.

Sidoo kale, waxay Dekedda Berbera ku Talaabsatay sadexdii sanaadood ee u dambeeyey horumarka dhinacyo badan, Kuwasoo ay kamid tahay tayeynta Shaqaalaha Badda  iyo qalabayn heer-sare ah.

WAJAALENEWS DESK

BERBERA OFFICE

Exit mobile version