WAJAALE NEWS

Macnaha astaamaha ololaha siyaasadeed ee doorashooyinka Afrika

Waxa jirtay hees la odhan jiray Casaan, Casaan oo ay qaadi jirtay kooxdii heesaha Raggae ku caanka ahayd ee UB40 la odhan jiray , waxaanay heestaasi noqotay tii loogu jeclaa wadamada Ingiriiska iyo Maraykanka sannadkii 1983.

Hargaysa(WJN):-Todoba iyo soddon sano ka dib ayaa erayga Casaan, Casaan aad mooddaa inuu macno gaar ah u leeyahay hoobalka reer Uganda ee siyaasiga noqday, Bobi Wine.

Xildhibaankaas oo magaciisa runta ahi yahay Robert Kyagulanyi ayaa had iyo goor la arkaa isaga oo gashan koofiyadda cas ee astaanta u noqotay, waxaanu doonayaa inuu u tartamo xilka madaxtinimada marka la gaadho doorashada soo socota ee dalkaa ka dhici doonta.

Laakiin Bobi Wine haatan isagii ayay arimihii ku adkaadeen maadaama oo gudida doorashooyinka dalkaasi xisbigiisa ka mamnuucday inuu astaantiisa doorashada ka dhigto midabka casaanka ah, sababtuna tahay in xisbi kale leeyahay midabkaas.

Awoodda midabka iyo astaamaha ee loo adeegsado ololeyaasha doorashooyinka Afrika maaha kuwo la dhayalsan karayo.

“Mar kasta oo astaantu tahay mid si fudud loo garan karo waxa fududaata in taageerayaashu xusuusan karaan xisbiga leh ee ay doonayaan. Xisbiyada qaarkood ayaa u haysta in ay fiicantahay in ay qaataan astaamo ay shacabku u arkaan in ay u taaganyihiin rajo iyo nolol,” ayuu yidhi Dr Isaac Owusu-Mensah, oo wax ka dhiga kuliyadda culuumta siyaasadda ee Jaamacadda Ghana.

Wuxuu tusaale u soo qaatay labada xisbi ee ugu waaweyn kuwa ku tartami doona doorashada Ghana ka dhici doonta bisha Diisember.

“Xisbiga mucaaradka ah ee NDC waxa u astaan ah dallaayad macnaheeduna yahay in xisbigaasi gabbaad kuu yahay gaar ahaan marka waayuhu adkaado,” ayuu yidhi Dr Owusu-Mensah.

“Xisbiga talada haya ee NPP ayaa isna waxa u astaan ah maroodi weyn. Macnaheeduna waxa weeyi inuu xoog ku dhaafayo dhibaato kasta oo shacabka ka hor timaad. Kolka dhibaato kula soo deristo maroodiga uun xaga dambe ka mar isagaa ku difaaciye.”

 

Hargaysa Office

Wajaalenews.net

Wariye Akadir

Exit mobile version