WAJAALE NEWS

Haayada Caafimaadka Aduunka Oo War Ka Soo Saartay Xaalada Caafimaad Ee Madaxwayne Trump

HARGAYSA(W,N)-Agaasimaha guud ee Hay`adda Caafimaadka Adduunka ee (WHO), Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray qoraal uu caafimaad degdeg ah ugu rajeynayo Madaxweyne Trump iyo marwada koowaad.

Trump, waxaa laga yaabaa inaad xusuusataan, wuxuu si joogto ah WHO ugu cambaareyn jiray sida ay u xakameysay xanuunka safmarka ah. Horraantii sanadkan, wuxuu ku dhawaaqay inuu xiriirka u jarayo WHO, isagoo ku eedeynaya in laga xukumo Shiinaha oo uu fayrasku ka soo bilowday.

Mareykanka ayaa ahaa dalka dhaqaalaha ugu badan siiya hay`adda, oo dalalka caalamka ka caawisa daryeelka caafimaadka iyo cudurrada dillaaca.

Dr Tedros ayaa difaacay hay`adda xilligii uu eedeynta u soo jeediyay Mareykanka, wuxuuse markii dambe ballanq aaday inuu dib u eegis ku sameynayo sida ay hay`addu wax uga qabatay fayraska.

 

 

Exit mobile version