WAJAALE NEWS

DAAWO;-Waraysi Xasaasiya Oo Lalayeeshay Dr Gaboose Iyo Xog Waranka Xukuumadii Cabdiraxmaan Tuur & Caqabadihii Ka Horyimid Cigaal+Dagaalkii Sokeeye Ee 1994.

“Aniga Waxaan Aaminsanahay Hadii Aanu Cabdiraxmaan Tuur Ku Xigin Xukuumadii Cigaal oo Dhibaato Adag kaga soo Baxay Adayg Iyo Samir In Aanay Somaliland Ka Baxdeen Dhibaato”Dr Gaboose.

HARGAYSA(W,N)- Waraysi Dhinacyo Badan Taabanaya Oo Mudooyinkii Udanbeeyay La layeelanayay Dr Maxamed Cabdi Gaboose Oo ah siyaasi Rugcadaaya oo reer Somaliland ah islamarkaana goob joog u ahaa yagleelkii jamhuuriyada Somaliland isagoo kaga Xog waramay Marxaladihii kala duwanaa iyo sidii xilka looga qaaday xukuumadii Madaxwayne Cabdiraxmaan Tuur alle ha,unxariistee Xilka looga Tuuray,

Sidoo kale Dr Gaboose ayaa waraysigan kaga hadlay caqabadihii ka horyimid xukuumadii marxuum maxamed xaaji ibraahim cigaal oo u saan saan eekaa kuwo la lamid ah kuwii ka horyimid xukuumadii cabdiraxmaan tuur. Iyo halka uu ka bilowday khilaafkii cigaal iyo garabkii cabdiraxmaan tuur kadib markii

Marxuum cigaal xukuumadii safka hore uu kaga soo daray 7xubnood oo kamid ahaa shakhsiyadkii cabiraxmaan tuur ka horyimid xukuumadiisii taasi oo keentay in garabkii cabdiraxmaan Tuur shir qabsadaan ay ku qaadacayaan go,aamadii lagu gaadhay shirkii boorama.

Dhanka kale siyaasi Dr Gaboose ayaa ka xog waramay dagaalkii sokeeye iyo sidii uu ku bilowday Oo ay sal u ahaayeen kooxihii cabdiraxmaan tuur ka horyimid xukuumadiisii oo hormuud ka noqday xukuumadii marxuum cigaal,

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARAYSIGA DR GABOOSE QABTII 5AAD;

Exit mobile version