WAJAALE NEWS

DAAWO;-Siyaasi Axmed Talyaani Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay Hadalo Kasoo Yeedhay Hoogamiye Xirsi, Soona Bandhigay Falkii Uu Kula Kacay Shirkadii Total.

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Axmed Muxumed Cumar (Axmed Talyaani)-oo kamid siyaasiyiinta xisbiga kulmiye ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadalo kasoo yeedhay hogaamiyaha xisbiga wadani Xirsi Cali ku kuwaasi oo uu ku tilmaamay in uu ku hadlayay af qabiil balse aanu Ka hadlayn Dan xisbiga wadani ah iyo aragti mucaaridtoona.

Sidoo Kale siyaasi Axmed Talyaani ayaa soo bandhigay wakhtii Uu Xirsi Xilka hayay talaabooyin sharci daro ah oo uu kula kacay shirkadii haamaha kaydka shidaal berbera gacanta ku haysay ee Total iyo malaayiin dollar oo uu ka dhacay halka shirkada shidaalka ee uu xirsi hada uhadlayayna Uu ku sheegay kuwo uu saami ku leeyahay in ay yihiin, balse aanu marna uhadlayn dan qaran.

Dhanka kale siyaasi Axmed Talyaani ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadal uu hogaamiye xirsi Madaxwaynaha ku dhaliilay oo ahaa in uu kala qaybinayo reer burco iyo boorama Halka Kuwii aan doorana uu u wareegay isagoo siyaasigu hadaladaa ku tilmaamay kuwo ceeb ku ah xisbiga uu afkiisa ku hadlayo balse arintiisu ahayd nin  reer uhadlayay oo  umuuqday nin kulmiye katirsan oo aan xisbi mucaarid ah Ahayn.

HALKAN KA DAAWO MUUQAAALKA WARKAN;

 

Exit mobile version