WAJAALE NEWS

Xukuumada Somaliland Oo 84Qoys Ka Rartay Dhulka Seeraha Geed Deeble Oo Ay Degenaayeen Iyo Halka La Dajiyay.

HARGAYSA(W,N)-Xukuumada Madaxwayne biixi ayaa84qoys oo mudo dheer deganaa Beerta Geed deeble ee duleedka Magaalada Hargaysa ka rartay kuwaasi oo la dajiyay duleedka Magaalada Daarasalaam.

Wasaarada deegaana,maamulka gobolka maroodi jeex iyo haayada qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka ayaa iska kaashaday Rarista qoysaska oo noloshooda kala soo bixi jiray halkan ay deganayaan mudo dhowr iyo labaatan sano ah Kuwaasi oo awood dawladeed Lagu raray qoysaskan.

Sidoo kale 84qoys iyo kuwo kale oo laga soo raray meelo kala duwan ayaa wakhti xaadirkan barakacayaal ku ah duleedka magaalada daarasalaam iyadoo goobta la dajiyay aanay lahayn adeegyadii aas aasiga ahaa isalamarkaana qoysaskan ka dhigay kuwo maanta dalka soo galay iyadoo xukuumadu noloshoodii iyo wixii ay yab yabteenba dib ucelisay kana dhigtay barakacayaal cusub, iyadoo xataa udiyaarin goob ku haboon nolosha iyo dhaqaale ay asiisay si ay noloshooda ugu dabaraan inta ay la qabsanayaan deegaanka cusub ee lagu daad gureeyay.

Dhanka kale Majirto warar faah faahsan oo xukuumadu ku sheegtay sobobta ay dadkan uga rartay beerta seeraha Geed deeble ee ay deganaayeen iyo waxa hada laga dhigayo.

Waxaan seeraha dadkan danyarta ee 84qoys laga raray waxbadan ka fogay beertii siidhka ee dawlada oo uu gacanta ku hayo madaxwaynaha wakhtigan ee Somaliland, wallow  aan iyada wali ku jirin goobaha xukuumadu ubaahatay,

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

 

 

Exit mobile version