WAJAALE NEWS

Midowga Yurub Oo Cunaqabateyn Ugu Hanjabay Dawlada Ruushka

Berlin(W,N)-Dowladda Germany oo xilligan heysa Guddoonka Midowga Yurub ayaa sheegtay inay wado dadaalo lagu doonayo in cunaqabateyn lagu soo rogo Ruushka oo lagu eedeeyey inuu dhawaan sumeeyey mid kamid ah hoggaamiyayasha mucaaridka Putin oo hada jiifa cisbitaal ku yaalla magaalada Berlin, Germany.

Hoggaamiyaha Mucaaridka Ruushka, Mr.Navalny ayaa bishii lasoo dhaafay xanuunsaday xili uu saarnaa diyaarad uu kasoo raacay Siberia kuna sii jeeday Moscow, ninkan ayaa maalmo kadib loo ogolaaday in loo qaado cisbitaal ku yaalla Berlin, Germany.

Dhakhaatiirta Jarmalka ee baadhitaanka ku sameeyey ninkan ayaa xaqiijiyey in la sumeeyey, arrintan oo dib usoo nooleysay cambaareynta Midowga Yurub ee ku aadan xukuumada Ruushka ee Vladimir Putin oo horey sidan oo kale loogu eedeeyey in ay khaarijinta mucaaridkooda u adeegsadaan sunta halista ah ee loo yaqaan [Novichok].

Suntan Novichok ayaa ah mid ay soo saareen oo ay khaarajinta u adeegsan jireen Sirdoonkii Sofiyeetka.

Dowlada Ruushka ayaa iyadu iska fogeysay eedeynta ah inay sumeysay hogaamiyahaasi mucaaridka, Wasiirka Arrimaha Dibada ee Ruushka Lavrov ayaa sheegay in Germany ayna weli la wadaagin dowladiisa xogta baadhitaanka ay sameeyeen.

Exit mobile version