WAJAALE NEWS

Madaxwaynaha Jubaland Oo Ka Hadlay Qarax ka Dhacay Maagalada Kismaayo Oo Ay Dhinteen Masuuliyiin Iyo Dad Shacab Ah,

KISMAAYO(W,N)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeey geerida ku timid Allah ha u Naxariistee Gudoomiyahii Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland Marxuum Shaafi Raabi kaahin iyo muwaadiniinta kale ee ku waxyeeloowday qaraxa maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo.

Waxaa Madaxweynahu uu Allah uga baryayaa in uu Naxariistii jano ka waraabiyo sidoo kalana dadka dhaawaca ah uu Caafimaad deg deg ah siiyo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Shaafi Raabi Kaahin uu ahaa muwaadin dalkiisa iyo dadkiisa ugu soo shaqeeyay awood walba oo karaankiisa ah isla markana lasoo qaybsaday duruufo adag waxaa uu intaas ku daray Madaxweynahu in Shaafi Raabi kaahin uu kamid ahaa Aas Aasayaashii Jubbaland isagoo maanta naftiisa ku waayay u khidmaynta shacabka.

“Dhagarta Argagixisada iyo nacaybka ay u qabaan dadka Muslimka ah cadayn dhab ah ay u tahay sida ay maanta dadka Shacabka iyo Masuuliyiinta ah ee kasoo baxay Salaada Jimcaha ay ugu beegsadeen afaafka hore ee baydka ilaaheey ayuu yiri” Axmed Madoobe.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aanay Dhabaha ay dadka reer Jubbaland iyo guud ahaan ummada soomaaliyeed ku doonayaan inay Nabad iyo xasilooni helaan aanay ka leexin doonin falalka ay ku kacayaan Al-Shabaab.

Exit mobile version