Somalia Waxa Mudo dheer la isku haystay doorashooyinka iyo Sidii ay u qabsoomi lahaayeen, nooca ay noqonayeen iyo Waliba xiliga la qabanayey, dabcan waxa jiray aragtiyo iyo kala Fogaansho uu arinkaasi keenay.
Waxa haddaba heshiiyey madaxdii maamul goboleedyada Somalia iyo Madaxwaynaha Somalia oo ka dhinac ahaa, iyo waliba iyaga oo aan ka mideysnayn maamul goboleedyada madaxdoodu wax badan, haddana waxa la isla qaatay in uu Madaxwayne Farmaajo tanaasulo oo la galo doorasho.
Arimahani waxa xooga saaray oo tacab badan galiyey beesha caalamka oo u arkaysay in khilaafka siyaasadeed abuuri karo xasilooni daro ka dhacda dalka oo ay burburaan wax mudo badan tacab iyo dhaqaale lagu soo bixinayey, sidoo kale oo uu istaago geediga dawlad dhisida Somalia , iyada oo laga cabsi qabo ururada argagixisada iyo cidkasta oo aanay dan u aheyn xasiloonidu.
Madaxwaynaha Somalia waxa uu jeediyey laakiin hadal iyo khudbad ku lidi ah dedaalka beesha caalamka , waxa aanu ku nuux-nuuxsaday in uu u tanaasuley danaha dadka soomaaliyeed iyo in aanay maamul goboleedadu dawlada dhexe ka xidhiidh furan, maadaama ay Somaliland uyadu awelba dawlad gaar ah ahayd ayuu hadalka u dhigey.
Si kasta oo ay ahaataba hadda waxa la galay xaalad xasiloon oo la isku diyaarinayo doorasho aadna la iskugu wada raacay mucaarad iyo muxaafad oo la soo dhaweeyey, arinkani waxa uu meesha ka saarayaa in ay mudo kordhini dhacdo oo ah waxa Somaliland nidaamkeega dimuqaradiyadeed la degay.
Somaliland waxa heshiiyey axsaabta mucaaridka ah iyo xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne Biixi waxaana lagu heshiiyey in doorashooyin la qabto, iyada oo in badan la isku haystay sidii ay dalka doorasho uga dhici lahayd oo lagu kala fogaa arinkaasi isla markaana uu ahaa khilaaf lagu kala aragti duwanaa.
Madaxwayne Biixi waxa u tanaasuley axsaabta mucaaridka ah oo la qaatay komishankii uu doonayey ee uu ku adkaystay , waxaana la Isla qaatay in komishankaasi doorasho qabto , arimahani waxa dedaal ku bixiyey beesha caalamka oo aad tacab badan u galisay in la isku soo dhowaado.
Waxa kale oo la xusi karaa in ay axsaabta mucaaridka ah iyo xisbiga muxaafidka ahi ka mideysan yihiin kuna heshiis yihiin in ay siyaasadu kooto ugu xidhnaato maadaama uu dhow yahay xiligii ururada siyaasadeed la furi lahaa sida xeerarka iyo shuruucda dalka ku cad , waxaana loo gudbiyey Golaha wakiilada wax ka badel xeerarka doorashada ah.
Haddaba waxa isweydiin leh beesha caalamku maxay ka dooneysaa Somalia iyo Somaliland ee ay ula daba socotaa in ay danahooga ka heshiiyaan?
Halkaasi waxa ku jira wax weyn , beesha caalamku waxa ay rabtaa in nidaamka dimuqaeadiyadeed ee wadamadooda ka jira mid la mid ah halkan laga hirgaliyo, taasina waxa u daliil ah xeerarka goleyaasha la horkeenayo iyo sida loo buun-buuniyo dhacdooyinka iyo gefafka iyo xadgudubyada ka dhaca dalka oo umad ahaan marka horeba aan aheyn wax dhaqanka dadka soomaalida ah iyo diinta midna waafaqsan.
Waa marka labaad e soomaalidu maadaama ay heshiin wayday oo ay iskeed u dhameysan wayday arimaheega waalla soo dhex galayaa cidkasta oo dano ka lihina waxa ay ka dhex fushanaysaa waxa ay rabto , waxaana ayaan daro ah in soddon sanadood Somalia na la isku dhex haysto iyaguna ay Somaliland lugta hayaan.
Taariikh baa qormaysa jiilkasta oo joogana ka hadhi doonta, dadkii Somalia iyo Somaliland hogaanka u hayey 30 sanadood ee waxba ku heshiin waayey umadiina u taagan tahay oo Somalia na dagaalo iyo xasilooni la ‘aan ka bixi wayday Somaliland na dedaal kasta oo ay ku jirto aanay wali helin aqoonsi buuxa iyo dawlad caalamku aqoonsan yahay oo aduunka ka mid noqota , in Somaliland dawlad gaar ah noqotana Somalia waxa ay kaga jirtaa dagaalo badan oo kala duwan.
Arimahani marka aad dhuuxdo waxa aad is odhanaysaa dhacdooyinka jiraa waa qaar Soomaali loogu talogalay in aanay halkaasi ka dhaqaaqin, marwalbana waxa sii badata qaybsanaanta iyo kala fogaanta maadaama afkaaro, aragtiyo siyaasadeed iyo mabaadii kala duwan la dhex keenay oo qolo waliba dhinaceega u taag laadahay culeysyo siyaasadeed khilaafyo aan dhamaan iyo murug joogto ah.
Aragtideyda iyo Arimaha socda
QALINKII;Muxamed Dhimbiil