John Drysdale waxa uu ka mid ahaa ciidamadii Ingiriiska ee Somaliland la keenay sannadkii 1943-kii laba sano ka hor dhammaadkii dagaalkii labaad ee Adduunka, waxaana ujeeddadii Ciidankaasi ahayd in Maxmiyaddii Somaliland ay ka difaacaan Ciidammadii Talyaaniga ee Koonfurta Soomaaliya ku sugnaa isla-markaana duulaanka ku qabsaday dhul badan oo Geeska Afrika ku yaalla, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Somaliland, ETHIOPIA ilaa xeebta ERITREA .
John Drysdale waxa uu markii hore uu la shaqeeyay Maamulkii Ingiriiska, iyada oo markii Somaliland ay Madaxbannaani heshay 26-ka bishii June ee 1960-kii uu ku nagaaday Dalka Soomaaliya, waxaanu inta badan ku sugnaa Magaalada Muqdisho oo ahayd xarunta Dawladda, Waayo? Wuxuu galaangal siyaasadeed ku lahaa dalka Soomaaliya oo uu saaxiib kala ahaa siyaasiyiin ay is barteen Wakhtigii gumaysiga.
Wakhtigaa waxa uu ku Hawlanaa ururinta Xogta dhaqanka iyo Siyaasadda Soomaaliya oo uu si weyn u daynayn jiray, waxaana uu qoraalo badan oo Arrintaa la xidhiidha ku qoray Buugga caanka ah ee “What ever happened to Somalia”. Buuggaas oo uu sidoo kale kaga hadlay Nidaamka dawliga ah, dagaalladii sokeeye ee Qabaa’iilka dhexmaray iyo hawlgalkii Qaramada Midoobey ee UNISOM.
Markii dhacday Dawladdii Soomaaliya 1991-kii waxa uu u guuray Hargeysa 1993-kii, waxa uu ku hadli jiray Af-Soomaaliga oo daraasayn jiray, inkastoo aanu inta badan adeegsan jirin.
Dad saaxiib la’ ahaa waxaay ii sheegeen in isaga oo Magaalada Muqdisho ku sugan horraantii sannadihii 1990-yadii uu Nin ay maqaaxi ka wada cuntaynayeen ku yidhi Mudalabkii ama Kabayeerigii “ Waar Cambaha jaalaha ah ii keen, Gaalkana ka cagaaran sii”. John Drysdale muu xanaaqin isaga oo hadalka Ninkaa Soomaaliga ah fahmaya, ayuu si kooban ugu hal-celiyey “Isaga sii ka wanaagsan.”.
Bilihii August iyo September ee sannadkii 2011, waxaan wareystay illaa saddex jeer, waxa uu ka cabanayey Wasaaradda beeraha Somaliland oo uu xilligaasi Wasiir ka ahaa Prof. Faarax Maxamuud Cilmi Geedoole oo kala wareegtay Hay’addii uu aas-aasay ee Somaliland Cadestral Survey oo kala xadeysay in ka badan 3,500 oo beerood.
Waxa uu ku lebisnaa shaadh ay sudhnaayeen bilado lagu abaal-mariyey wakhtigii uu ka mid ahaa Ciidanka Ingiriiska.
Hadalladiisii waxa ka mid ahaa “Waxaan ahay Muslim, hadda magacaygu waa Cabaas Idiris, sharciga Somaliland wuxuu dhigayaa in dadkii deggenaa Dhulka Somaliland ka hor 1960-kii ay Muwaadiniin yihiin, maxaa sidan la iigu samaynayaa (Ee la iiga Wareejinayaa Hay’addii aan aasaasay) ?”.
Waxa kale oo uu baaq diray Wakhtigaa Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, laakiin baaqaasi lagama jawaabin marna.
Dhallinayaro badan ayaa ka shaqayn jirtay mashruuca Dawladdu la wareegtay ee kala xadeynta Beeraha, kuwaas oo markii dambe noqday Shaqo la’aan, haddana waxa ay go’aansadeen inay isaga garab joogaan oo ay caawiyaan Maalin iyo habeenba, waxayna ku sugnaayeen guri Villa ah oo uu ku noolaa John Drysdale (Cabaas Idiris). Raggaasi waxa aan ka xasuustaa Maxamed Aboo oo ka mid ahaa dhalinyarada ciyaaraha caanka ku ahayd.
Drysdale (Idiris ) inuu Diinta Xaqa ah ee Islaamka qaatay waxa uu shaaciyey Sannadkii 2010-kii, inkasta oo Xubnaha kale ee qoyskooda ee Ingiriisku kaga aragti duwanaayeen.
Ehelada John ee ku nool Ingiriiska, ayaa horeba u diidanaa Joogitaankiisa Somaliland, laakiin markii uu Muslimay ayay sii kala fogaadeen.
John Drysdale oo markii uu Muslimay la baxay Cabbaas Idiris, waxa uu 10/7/2016 ku Geeriyooday Hargeysa, waxaana Tacsi u diray Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.
Wuxuu ahaa Qof Soomaalida aad u jecel, laakiin da’da oo hawlgab ka dhigtay iyo wakhtigiisa oo dhamaaday awgeed, kuma waarin inuu la sii noolaado dadkii u jeclaa.
W/Q: Maxamed Boosh
Hargeysa/Somaliland