WAJAALE NEWS

Waa kuma Weriye Xamse Cali Bulbul? Faalo

Falanqayn kastaaba waxay leedahay sababta keentay inay ka faalaato, sidaasi darteed Saaxiibka qalinkuna xaq ayuu u leeyahay Shar iyo khayrba inuu ka iftoodo kana bixiyo faalada macquulka ah, haba ahaato mid kumanaan kun oo qof ay jeclaystaan kumanaan kalena ay ka bixiyaan dareenka diidmada xambaarsan.

Hal ujeedo oo keliya ayaa keentay inaan u holado faalada ku wajahan shakhsiyada Saxafi Xamse Cali Bulbul iyo saamaynta awoodiisa xirfadeed ay ku leedahay bulshada luuqad, diin iyo dhaqan wadaagta ah dal iyo dibadba.

Run ahaan xiligan mihnada saxaafada ayaa u muuqata mid kasoo samato-baxaysa sur-suur mudo badan ay geliyeen mulkiilayaasha hay’addaha warbaahinta kuwaaso iyagu lahaanshaha hay’adda warbaahinta kasokow ku cuno duubnaa maamulka iyo kala hagitaanka wax kastoo la baahinayo, taaso inta badan cabad ku noqon jirtay mihnadlayaasha ka hawlgala hay’addaha warbaahinta, hase ahaate shakhsi kasta oo ah mihnadle ka hawlgala hay’addaha warbaahinta noocyadooda kala duwan waxaa hubaal ah in ay ku kala awood iyo saamaynba duwan yihiin Bulsho weynta dhexdeeda, in badan ayaa dhegahaagu maqlaan magacyada saxafiyiinta qaarkood kuwaasi oo bulshadu aad u qaada-dhigayso, halka ay jiraan kuwo weligoodba warbaahinta kusoo dhex jiray aan awoodooda bulsho iyo saamaynta magacoodu dhaafsiisnayn shaqaalaha hay’adda ay ka hawlgalaan sifooyinkani waa kuwo caadi ah oo is garab yaal.

Maxay akhriste kula tahay sababta qormadeenan aynu ugu soo qaadanay Weriye Bulbul oo keliya maadama saxaafiyiinta kuwona dadku aad u yaqaanan kuwo sodon sano kabadan kusoo jirayna aan cidi aqoon Xamse Cali Bulbulna uu labadaasi qaybood mid kamid ah loo tiriyo weliba kuwa aadka loo yaqaano?. Haa waa su’aal macquul ah oo mudan jawaabta rasmiga ah ee ka turjumi karta Ciwaanka faalada.

Hal mid oo keliya ayaa keentay inaan uqaato qalinka qiimaynta awoodiisa shakhsiyadeed iyo saamayntiisa guud mid Taban iyo tu Togan labadaba.

Magaca Wariye ama Saxafi waa lawada wadaaga, hase ahaatee cidkastoo magacaasi sidataaba waxa ay  ku kala duwan yihiin islamarkaasina xulashada iyo taageerada bulshada dhexdeeda ku kala kasbadaan hal mid oo keliya waa tan Wariye Bulbul uu kaga Idman yahay dhigiisa ay kuwada jiraan Saaxada Warbaahinta.

Hibooyinka bixintoodu waxa ay u sugnaatay Rabbiga koonkan iska leh waxaana taasi marag madoon u tahay in barashada aqoon kasta oo maadi iyo diini labadaba aadamuhu bartaan inay ay ku kala hormaraan Hibada Eebbe bixiyo.

Xamse Cali bulbul waxa uu sitoos ah uga dhex muuqday warbaahinta Somaliland tobankii sano ee u dambeeyey, waxaana uu inta badan kaalin wa ku ool leh kasoo qaatay taabo-gelintii Tvga HCTV, oo weriye Bulbul kasoo qabtay xilal iyo darajooyinka shaqo kuwii ugu mudnaa, Xamse waxa uu xiligii uu halkaasi ka hawlgalaayey kow ka ahaa mihnadlayaashii mashiinka u ahaa HCTV, islamarkaana maamul iyo mulkiileba si isku mid ah ay uga wada mahdadoobi jireen, magaciisuna wuxuu ahaa mid ka marag kaca kudhaca  iyo kalsoonida mihnadu leedahay si’aan gabasho lahayna u guta wajaaibaadkiisa shaqo.

Weriye Bulbul waxaa saaxiibadiisa mudada badan ay soo wada shaqayn jireen ay ku xantaan shakhsi ay adag tahay in maskaxdiisa iyo mihnadiisa midnaba lagu adeegto oo aan xaqiiqada iyo runta baahinteeda waxba aan siisan Karin ama lagaga bedelan Karin.

 

Sikooban hadii aan dib ugu milicsado Weriye Bulbul waxa uu si xor ah faraha uga qaaday shaqadii HCTV waxaanu ka hawlgalayey mudo kooban SLNTV oo ah kan dawlada.

 

HCTV:- Waxaa ku banaanatay kaalin cidkastaaba dareentay waxaana isbedel xoogani ku yimi xuriyadii hadalka gaar ahaan dhinaca wararka oo xiligaasi Xamse aanu cidnaba ka yeeli jirin in lagu toojar gareeyo wixii ka fog macquuliyada mihnadiisa shaqona ku ah waxyeelo iyo nusqaan!.

 

SLNTV: Xamse Cali Bulbul isla markiiba waxaa warfaafintu u magcawday awooda maamul ee dhamaanba wararka ka baxa warbaahinta qaranka, mudo kooban kadib weriye bulbul wuxuu meesha ka saaray wararkii indhaha bulshadu karaahiyeysteen ee ahaa “Biyo yaa shuban” waxaanu maamulka Tvga ku sargooyey sida sharciga ah oo wax kastoo qaranka u dan ah ee warbixino ah ooda ayuu ka qaaday halka wararkii guulwadaynta ahaa iyo hebel baa meel hebla u baxay uu meesha ka saaray , xukuumada iyo wasaarada warfaafintuba waxay dareemeen Culays xoogan oo ku yimi SLNTV kasoo ilaa Madaxtooyadu cabasho xoogan ka muujisay, taaso markii dambe in kabadan 7 wasiir oo ah wasiirada ugu awooda weyn xukuumada siilaanyo xaflad ay ka qaybgalaan oo ku wajahan dano gaar ahaaneed weriye bulbul daaqada ka tuuray cidkastana ka diiday in warka xafladaasi aanu ka bixin SLNTV maadama dano gaar ahaaneed ay tahay islamarkaana aanay jirin wax dan qaran iyo mid bulshada fa’iido u ah oo ay xafladaasi ka turjumaysay, Culays aan xisbi iyo xukuumad midna aanay u kala hadhin Hamse Cali kadib faraha ayuu ka qaaday shaqadaasi.

Isbarbar dhiga awooda weriye Bulbul ee labadaasi hay’adoodba waxay makhraati buuxa u yihiin miisaanka shakhsiyadeed iyo Maskaxda ka bed-qabta adeegsiga siyaasiga.

Xiligan Xamse Cali bulbul, waa agaasimaha tilifishanka ugu saamaynta badan Somaliland islamarkaana ugu Da’da yar tvyada soomaalida ee Startv, oo uu mudo soo waday agaasimena ka ahaa saaxiibkii weriye Xasan Maal Dhidar oo hore ugasoo hawlgali jirey warbaahinta kana soo shaqeeyey dhawr hay’ddood oo warbaahineed.

Xamse Cali bulbul wuxuu mudo badan kadib gacanta ku dhigay Mikrifoonka Xuriyada hadalka Xamse wuxuu bilaabay dedaalkii ugu adkaa ee soo noolaynta mihnada saxaafada ka saari karo fikirka xiligan bulshadu ka haysato oo ah in warbaaintu noqotay maqalka shilimaadka lagu kala gurto wuxuuna sitoos ah ula jaanqaaday koox dhisan oo uu kamid yahay gaasimihii ka horeeyey.

Dedaal mudo kooban qaatay iyo adeegsi  khimrada, waayo-aragnimada, magaca iyo sumcada weriye bulbul oo saaxiibadiisa Startv’na hareeraha ka joogaan ayaa waxay sababtay in tillifishanka ugu da’da yar warbaahinta soomaalida ee Startv uu noqdo midka ugu saamaynta badan looguna daawashada badan yahay.

Shakhsi ahaan Bulbul waa qof u dhashay deganaan iyo akhlaaq qofnimo, waa shakhsi dadka yar iyo weyn siweyn  u wada ixtiraama oo jecel inuu bulshada qaybaheeda kala gedisan fikiradooda la wadaago.

Maskaxda iyo aragtida bulshada waxaa weriye bulbul maalmo kooban gudahood kusoo wada jeediyey dhugashada shaashada Startv.

Mucaaridka iyo Muxaafidka labadaba maalmaha Bulbul waxay doodihii ugu adkaa shantii sano ee ugu dambeeyey ku dhex mareen Startv, kuwaasi oo sababay taageerada bulshada gudo iyo dibadba, halka wararka bulshada iyo dhacdooyinka kuwooda ugu dhakhsaha badan baahintooda startv noqday mid lagu baro lagana sugo saacadaha baahinta.

Goobaha bulshadu ku kulanto ayaa inta badan faalada iyo saamaynta telefishanka Startv siweyn loogu hadal hayaa waxaana xusid mudan meheradaha waaweyn iyo bar-kulameedada bulshada inaan laga qaadin shaashada Startv iyadoo lawada dhawrayo maxaa cusub iyo maxaa layidhi, dhankastaana taageerayaal mucaarid iyo guulwade xukuumadeed waxaa khasab ku noqotay in aanay seegin barnaamijyada iyo wararka ka baxa Startv.

Run ahaan qofkasta oo karti iyo dedaal saaxiib u ah inaad makhraatiga u furto oo aanad kala masuugin qalinka waa waajib ina wada saaran.

Kasokow saamaynta weriye bulbul ee meel kasta oo uu ka hawlgalo, waxaan iyana la xaqiri Karin inuu yahay shakhsi Rabbi hibo u siiyey mihnadiisa shaqo waana shakhsiyaadka caalamiyan loo yaqaano “Gifted and Talented” taasina waa jawaabta su’aashaydi ahayd “Waa kuma Weriye Bulbul”

Gebogabadii waxaan aad ugu hambalyeynayaa dhamaan hawlwadeenada ka kartida ee ka hawlgala fogaal-araga madaxa banana ee Startv.

 

Allaah Mahad Leh

 

Abdirisaaq Yusuf Ali “Terra”

 

 

Exit mobile version