WAJAALE NEWS

Cali Guray Oo Shaaciyay In Uu soo Bandhigi Doono Halka Ay Iskala Qaadeen Wasiirka Diinta Iyo Dhaqanka Ee Jabuuti Iyo Caqabado Jabuuti Kaga Horyimid Buugii Uu Ka Qoray Abwaan Cabdi-Qays.

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “cali guray) oo kamid ah siyaasiyiinta reer Somaliland islamarkaana ah qoraaga buugii abwaan cabdiqays ee (Geedigii Abwaan Cabdiqays) ayaa sheegay in uu dhawaan soo bandhigi doono halka ay iskala qaadeen wasiirka diinta iyo dhaqanka ee jabuuti oo maalmihii udanbeeyay uu eedo culus ujeedinayay.

Sidoo kale cali guray ayaa bulshada somaliyeed waydiiday cidii akhriday buuga uu ka qoray cabdiqays in ay ku jiraan waxyaabo uu ku duray dawlada jabuuti iyo dadkeedaba.

Dhanka kale cali guray ayaa sheegay in dalka jabuuti oo caqabad kala kulmay buuga cabdiqays taasi oo ah in uu faafo,

Siyaasi cali guray ayaa sidaa ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka dadwaynaha ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

 AWR XAMUULKII WUU QAADAA XADHIG QALOOCANSE MA QAADO

Buuggii aan ka qoray saaxiibkay Abwaan Cabdiqays (GEEDIGII CABDIQAYS) yaa akhriyay ee ka helay wax aan si gaar ah ugu durayay Jabuuti dal ahaan, dawlad ahaan, iyo dad ahaan midna? Laga soo heli maayo haddiise laga soo helo waxan jecelahay in aan ogaado inta aanan ka hadlin halka aan kala qaaday Wasiirka Awqaafta ee Jabuuti ama dawladda Jabuuti si aan isu sixi karo inta aanan cidna la wadaagin xogta ku saabsan xaqiiqada xaaladda buugaasi halka ay maanta marayso iyo dagaalka ay dawladda Jabuuti ku qaaday faafidda buuggan iyo waxa ay ku qoonsatay oo aan si cad u soo bandhigi doono in kasta oo aanay cid dhinaca dawladda Jabuuti ahi marna si toosa iyo si dadban midna iigu carab daarin hadana aan dareensanaa in wax ay qoonsatayba ay wax jiraan balse aan la doonayn in wax la iga waydiiyo ama wax la iiga sheego.

Maadaama aan ogahay in dadka

badankoodu aanay haysan buugga waxan idinla wadaagi doonaa qaybo ka mid ah oo ah inta uu u dhintay buugu ee khusaysa Jabuuti kuwaas oo sarbeeb ama maldah siyaasadeed ah laakiin dadku ay wakhtigaa iyagu fasirteen sidii ay u fasirteenna uu buugani xusay.

1:waxa ka mid ah heesta magaceeda la yidhaa “Waan U Ciidi Lahaa” ee ay ku jiraan tuducyafani:

Hoheey ciilka i haysta

Calooshaa i hogmaysa

Curuuqdaydiyo jiidhka

Cadkii wuu i dhamaaday

Middii aan u cidlooday

Haday caawa timaado

Waan u ciidi lahaayoo

Waan ciyaari lahaaye

Heestan “footnote”-ka waxa ku qoran

“waxay ka hadlaysaa Xornimadii Jabuuti”. Waxanay soo baxday 1967kii ka hor aftidii dadka Jabuuti laga qaaday 19 March 1967kii

2:Waxa ka mid ah tixda la yidhaa “Ninkii Iga Riday Indhaha”. Tixdan wuxu buugu xusayaa in ay ka hadlaysay nin isagu halgamaa caana ahaa reer Jabuutina ahaa oo gumaysigii Faransiisku xidhay indhahana ka riday kolkii dambena xabsiga lagu dhex dilay magaciisana la odhan jiray Maxamuud Cadhoole. Waxa tixdan ku jiray:

Hadii adiga oo ladan ibtilo Eebe kugu keeno

Waa inaad sidii Nebi Ayuub mahad la oydaaye

Alxamdulilla waa inaad dhehdood ku ogolaataay

Indhihii kuwii iga ridee ani i naafeeyay

Orgobe weeye aqalkaan ku jiray iigu soo galaye

Heesta iyo tixduba in halgankii Jabuuti ay ahaayeen waxa xaqiijiyay Abwaan Cabdiqays. Meel laga qoonsan karana maan garan hadii aan gebi ahaanba la diidanayn in la soo qaado haba yaraato eh wax ku saabsan halgankii gobonimodoonka Jabuuti oo ka mid ahaa jibadii lixdankii ee Somaliwayne oo ahayd higsigii ummadda soomaaliyeed oo dhan meel ay joogtayba wakhtigasi.

Caligurey

(La soco)

Exit mobile version