WAJAALE NEWS

Xisbiga Wadani Oo Ka Hadlay Jeelka Magaalada Boorama Oo La Iibinayo Iyo Fariinta Ay Udireen Xukuumada.

BOORAMA(W,N)- Xogahaya Arimaha Gudaha ee  xisbiga wadani oo maalmihii udanbeeyay ku sugnaa magaalada boorama ayaa si adag uga hadlay wararka sheegaya in la iibinayo jeelka magaalada boorama kaasi oo bulshada reer boorama siwayn uhadal hayeen halka goobaha bulshadu ku kulanta lagaga hadlay arimaha ku saabsan in la iibinayo jeelka magaalada boorama.

Sidoo kale xogahaya xisbiga wadani ayaa badhasaabka gobolka awdal ugu baaqay in uu bulshada ucadeeyo xaqiiqada wararka sheegaya in la iibinayo jeel magaalada boorama madaama uu isagu yahay masuul ugu sareeyay gobolka islamarkaana isaga lagala xisaabtamayo.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

Exit mobile version