WAJAALE NEWS

Nin Laysku Haysto Oo Qoyskii Sedexaad Sheegteen Iyo Fariinta Ay Udireen Xukuumada Somaliland.

HARGAYSA(W,N)-Nin Oday ah oo dhawaan laga soo kaxeeyay Dalka Itoobiya ayaa waxaa isku haysta qoysas reer Somaliland kuwaasi oo midkastaba sheeganayo in uu iyaga ka maqnaa ninkan oo hada xuskiisu aanu dhamayn,

Maamulka gobolka maroodi jeex ayaa dhawaan soo afjaray isku haysadka ninkan oo ay u kala wareejiyeen laba qoys oo midi ahaa kii kasoo kaxeeyay dalka itoobiya balse ku qancay in aanu ahayn ninkii iyaga ka maqnaa

Hadaba qoyskii sedexaad ee ninkan sheegtay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ninkan umalaynayaa in uu yahay walaalkood oo ay ugu danbaysay dagaalkii somaliya iyo itoobiya ee 1977kii.

Qoyskan sedexaad ayaa xukuumada Somaliland ugu baaqay inta lagu kala baxaya cida uu yahay ee rasmiga in ay xukuumad ahaan dhex uhayaan balse aanay ku wareejinin cid gaar

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

https://youtu.be/Ps0-mFUXtEo

Exit mobile version