“Majirto Beer Ay Reer Biixi Lahaayeen, Odaygii Adeerkayna Godkay Ku Maagayaan Alle Ha,unaxariistee”
HARGAYSA(W,N)-Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Arimaha Gudaha Ee Xukuumadii Marxuum Cigaal Axmed Jaanbiir Suldaan ayaa si adag hadlay tacadiga qoyska madaxwayne biixi ku hayaan qoysaska degan dhula buurta kala jeexan ee galbeedka hargaysa oo ciidamo xoog kaga rareen dhulkii ay isku haysteen qoyska reer biixi islamarkaana guryahoogii ay daadsan yihiin dooxa iyaga iyo maatidiiba
Sidoo Kale Ex Wasiir Axmed Jaabiir Ayaa ka waramay qoyska reer biixi wixii ay dhul lahaayeen ka hor dawlada somaliland isagoo madaxwayne uso jeediyay in uu umada dulmiga ka daayo magacna uga tago shacabka somaliland iyo qoyskiisaba.
Dhanka kale dadka dhulkan laga qaaday ayaa umada reer somaliland usheegay dulmiga lagu hayo dhulkana cid hore ugu haysatay aanay jirin balse markii uu kursiga fuulay uu xoogii dawlada u adeegsaday.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;