HARGAYSA(W,N)-Hey’adda xasaradaha caalamka ee ICG ayaa warbixin ay soo saartay oo cinwaan looga dhigay “hakadka ku yimid wadahadaladii dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland” waxay kaga hadashay wadahadaladii dhawaan ay yeesheen Soomaaliya iyo jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaqday madaxbanaanida ee Somaliland iyo caqabadaha ku gedaaman.
ICG oo sanad kahor soo saartay warbixin tan lamid ah ayaa warbixintan ku sheegtay in doorashooyinka la filayo in dhammaadka sanadkan ay ka dhacaan Soomaaliya iyo doorashooyinka baarlamaanka ee Somalialnd ay dib u dhac ku keeni karaan wadahadalladii la filayay in labada dhinac ay kasii wadaan Jabuuti.
“Wadahadaladii bishii Juun waxay dhaceen iyadoo doorashooyin ay kusoo fool leeyihiin labada dhinac, maadaama madaxweyne Farmaajo muddo xileedkiisu ku eg yahay bisha Febraayo ee sanadka 2021, halka Somaliland ay wajaheyso doorashooyin baarlamaanka dhamaadka sanadkan” ayaa lagu sheegay warbixinta ICG.
Warbixinta cusub ayay ICG ku sheegtay inay muhiim tahay in lasii ambaqaado wadahadallada. ” Tallooyinkii aan soo jeedinay maadaama la qaatay, shirkiina la qabtay, waxaana sii baraarujineynaa wadahadalada in la sii waddo”ayuu yiri Abuukaate Zakariye oo katirsan hey’adda ICG oo la hadlayay BBC-da.
Wadahadaladii loo ballansana in dhinacyada ay yeeshaan ayaa baaqday.Wwalow aan la ogeyn sababta haddana ICG waxay sheegtay in xukuumadda Muqdisho ay dalbatay in dib loogu dhigo, maadaama ay xukuumaddii dhacday, inta xukuumadda kale laga soo dhisayana loo kaadiyo.
Doorashooyinka baarlamaanka Somaliland ayaa la filayaa inay qabsoomaan dhamaadka sanadkan.
.Wadahaladii Somaliland iyo Soomaaliya ayaa ka dhacay Jabuuti
Deyn cafinta bangiga adduunka ee Soomaaliya ayuu Abuukaate Zakariye sheegay in labada dhinac ay ku riixeyso inay wadahadlaan, maadaama bangiga adduunka dhaqaale badan uu ku bixinayo mashaariic dhowr, dinacyadana aysan dooneynin inay seegaan dhaqaalahaas.
“Shuruudaha deyn-cafinta waxaa kamid ah in wajiga labaad si loogu gudbo oo ah hirgelinta mashaariic waaweyn ee dhaqaalaha ballaaran, ayna labada dhinac wadahadalaan, kuna heshiiyaan arrintaas”, ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Waxay hey’adda sidoo kale hoosta ka xariiqday baahida loo qabo in dhinacyada ay ka wada hadlin qoddobada waaweyn oo ay marka hore isla meel dhigaan arrimaha yaryar sida qeybisga deeqaha, maamulka hawada iyo waxyaabaha kale oo ay dhinac iska dhgaan qoddobada waaweyn.
Tan iyo markii uu dhacay wadahadalkii Jabuuti, waxaa Somaliland ka socday dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo mid diblomaasi oo waxaa intii ka dambeysay wadahadaladii Jabauuti, magaalada Hargeysa booqday diblomaasiyiin ka socda Masar, Taiwan, Itoobiya iyo Kenya, kuwaas oo dano kala duwan u tegay Somaliland.
Maxay guusha Muuse Biixi uga dhigantahay wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya?
Doorka Abiy iyo Geelle ee “mideynta ama kala tagga” Soomaaliya iyo Soomaaliland muxuu yahay?