HARGAYSA(W,N)-Shirkada Sahal Transport ee qaadiska dadwaynaha iyo alaabooyinka ayaa soo bandhigay adeegyo cusub oo ay usoo kordhiyeen bulshada reer Somaliland.
Munaasibada shirkada Sahal Transport And Logistics ayaa waxaa kasoo qaybgalay madaxwayne kuxigeenka Somaliland,gudoomiyaha xisbiga Ucid,gudoomiye kuxigeenka kowaad ee golaha wakiilada ,wasiirka isgaadhsiinta,aqoonyahano,abwaano iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland.
Gudomiyaha shirkada Sahal Maxamed Cali ayaa ugu horay faah faahin ka bixiyay adeegyada ay bulshada usoo kordhiyeen iyo qorshayaasha shirkada ee mustaqbalka.
Sidoo kale masuuliyiinta kasoo qaybgalay xaflada ay shirkada sahal kusoo bandhigtay adeegyada ay soo kordhiyaan ayaa dhamaan ka markhaati furay dadaalada ay shirkada ugu jirto in Somaliland ka horumarto dhinacyada isku socodka iyo qaadista alaabooyinka kuwaasi oo masuuliyiinta shirkada Sahal ku amaanay jufdiga ay ay galiyeen sidii ay ugaadhi lahayd horumar.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;