Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed wuxuu aamminsan yahay Soomaaliya oo xasillooni lagu soo dabaalo in dalkiisu dhaqaale ahaan ka faa’iidaysan karo iyo in muwaadiniintooda 100 milyan kor u dhaafay ay fursado shaqo ka heli karaan haddii ay meel mar noqoto siyaasaddiisa is dhexgalku, waxa kale oo uu aad u danaynayaa in Soomaaliya laga helo dekedo si Itoobiya uga maaranto ku tiirsanaanta dekedda Jabuuti oo qudha.
Ra’isal wasaaraha Itoobiya wuxuu qaba danaha iyo damaca uu ka leeyahay Soomaaliya in lagu gaadhi karo in marka hore la dhammeeyo khilaafka iyo muranka u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Federaalka Soomaaliya.
Haddaba isaga oo yaraysanaya taariikhda iyo sharciyadda JSL, dareenka, rabitaanka ummadda iyo qiimaha ay ugu fadhido madax bannaanidu wuxuu xalka u arkaa Somaliland oo ka noqota gooni isu taagga oo dawladda Federaalka ah isku dhiibta.
Akhriste bal si kooban aynu isu dul taagno danaha iyo sida ay Itoobiya uga macaashtay jiritaanka JSL: Ururkii SNM iyo xukumadihii Somaliland waxay soo afjareen colaaddii u dhexayn jirtay Itoobiya iyo Soomaaliya.
Aagga Bari ee ku beegan Somaliland waxa Itoobiya ka joogay laba gaas (Division) si ay uga difaacaan weerarro kaga yimaadda Soomaaliya. Kharashka ku baxaya ciidanka tiradaa leh iyo qalabkoodu wuxuu culays iyo dhiig bax ku ahaa dhaqaalaha Itoobiya intii se Somaliland jirtay Itoobiya waxay ka maarantay in ay ciidamo ka sii joogaan aag nabad ah iyo xuduud dal uu ku dhexeeyo xidhiidh sokeeye.
Labada dal muddo dheer waxay iska kaashanayeen dhinacyada ammniga, ganacsiga, tababarrada shaqaalaha iyo ciidamada iyo isdhexgalka labada bulsho. Itoobiya waxay saami ku leedahay dekedda Berbera. Mabaadiida aasaasiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka mid ah deris wanaag iyo in nabad iyo xasarad la’aan lagula noolaado dalalka jaarka ah waxaana ka makhraati ah jawaabta madaxda JSL ka bixisay dalabkii Masaarida.
Hase ahaatee waxay u eeg tahay in ra’isal wasaaraha Itoobiya aanu ku qanacsanayn ama aanay deeqin danaha kor ku xusan iyo saaxiibtinimada la isku hallayn karo ee Jamhuuriyadda Somaliland. Xidhiidhkaa dhaw iyo heshiisyada rasmiga ah ee labada dal wuxuu ka doorbidaya ballanqaadyo been ah iyo heshiisyo aan rasmi ahayn oo suuqa madow Farmaajo ugu saxeexay oo aan marnaba iyo sinaba uga dhaqan geli doonin Soomaaliya waana dabeecadaha lagu garto hoggaamiyaha damaca badan. Waa halka Soomaalidu ka tidhaahdo “Midho guntiga kuugu jira looma daadiyo midho geed saaran.”
Runtii waa sababta Abiy Axmed ugu dadaalayo in Farmaajo kursiga ku sii nagaado. Si kastaba ha ahaatee ra’isal wasaaraha da’da yar waxaan kula talin lahaa in uu iskaga hadho sheekada uu ku dheggan yahay ee midnimada Soomaaliya oo uu xalka ka raadiyo dhinaca kale iyo taageerada madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.
Ra’isal wasaaraha waxaan uga digaya in aanay siyaasaddiisu horseed u noqon dib u soo noolaynta fikraddii Soomaali weyn ee dhimatay iyo colaadihii gobolka soo daashaday. Mudane ra’isal wasaare, Farmaajo xataa haddii uu sii joogo amaba soo noqdo waxaan u malaynaya in aanay waxba ka socon doonin heshiisyadii qarsoodiga ahaa ee Farmaajo isaga oo shakhsi ah la galay dawladda Itoobiya.
Waxa Qoray Cabdiraxmaan Cadami