WAJAALE NEWS

Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Ujeedada Wafti Ka Socday Dalka Masar Uyimaadeen Jsl Iyo Mawqifkeeda Muranka Wabiga Nilka!

Hargeysa(W,N)- Jamhuuriyadda Somaliland ayaa doonaysa inay Cilaaqaad Siyaasadeed, Dhaqaale iyo Ganacsi la yeelato Masar, sidaasna waxa sheegay Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda JSL oo u waramay Warsidaha Daily News Egypt oo ay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA soo xigatay.

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland waxa uu xaqiijiyey in wefti heerkiisu sareeyey oo ka socday Dawladda Masar, ay toddobaadkii hore ay kullamo la yeesheen Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Maalgashiga iyo Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Somaliland.

Wasiir Liibaan Yuusuf Cismaan wuxuu intaas ku daray in weftigani aanay aheyn kii u horreeyey ee ka socda Masar, waxaanu tilmaamay in Wasiir Ku-xigeenka Masar u qaabilsan Afrika, Hamdi Loza uu Somaliland yimid 2019kii, halka Wasiir Kuxigeenka Khaarajiga JSL uu isna booqday dalka Masar.

Waxa kaloo Wasiir Ku-xigeenka Khaarajigu sheegay inay labada dal falanqeeyeen sidii ay Somaliland iyo Masar u yeelan lahaayeen isdhexgal bulsho.

Md. Liibaan Yuusuf Cismaan wuxuu iftiimiyey in xidhiidhka Somaliland iyo Masar aanu dhaawacaynin cilaaqaadka Somaliland la leedahay Itoobiya, wuxuuna caddeeyey in mowqifka JSL yahay in dalalka Itoobiya iyo Masar ay ku furdaamiyaan arrinta Biyo-xidheenka wadahadal iyo jawi Nabadgelyo.

Waxa kaloo uu intaas ku daray inay Somaliland ay dhexdhexaadin karto,maadaama oo ay Itoobiya iyo Masarba xidhiidh wanaagsan la leedahay.

Wasiir Liibaan waxa uu tilmaamay inay Masar khibrad u leedahay Arrimaha macdanta oo ay Somaliland ka taageeri karto, waxaanu carabaabay in ay Somalilandna u dhoofin karto Xoolaha nool dalka Masar.

Waxa kaloo uu sheegay inay Masar gacan ka geysan karto Qaddiyadda Aqoonsiga Somaliland, maadaama oo ay ka tirsan tahay Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabtaba.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Md. Liibaan Yuusuf Cismaan, wuxuu caddeeyey inay JSL ay tahay dal xor ah oo buuxiyey dhammaan shuruudihii lagu aqoonsan lahaa Qaran madaxbannaan. Waxaanu xaqiijiyey inay la macaamilyaan dal kasta oo Somaliland danteeda u aragto.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

 

Exit mobile version